Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo shaaca ka qaaday in ay xooga saarayaan sugida ammaanka Shaqaalaha Samafalka.

sheikh-sharif-sheikh-ahmed2

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheekh Axmed ayaa markii u horeysay shaaca ka qaaday inay xooga saarayaan sugida ammaanka Shaqaalaha Samafalka, xilli ay kor u kacday ugaarsiga iyo afduubka lagu haayo shaqaalaha, iyadoona sanadkii tagay lagu dilay Koonfurta Soomaaliya in ka badan 20 shaqaale Samafal.

Sidoo kale Madaxweyne Sheikh Shariif ayaa sheegay in ilaalinta iyo difaacida shaqaalaha Samafalka ee u shaqeeya Hey’adaha gar-gaarka ay tahay mid ka mid ah ujeedooyinka ugu waa weyn ee ay xukuumadiisu tiigsaneyso haatan.

Madaxweyne Sheikh Shariif oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri:  “Waxaa muhiim inoo ah inaanu abuurno jawi shaqaalaha gargaarka oo idil ay gurmad kula gaari karaan dhibane walba, iyagoo aysan ka baqdin qabin wax dhibaato ah oo ay la kulmaan”, wuxuuna ugu baaqay Hey’adaha  Samafalka inay dar dar geliyaan kaalmooyinka bani’aadanimo, sidoo kale  madaxweynuhu wuxuuna sheegay in dadka  gudaha Soomaaliya  ku barakacay lala soo gaari gar gaar deg deg ah.

Dhowaan ayaa waxaa jiray bayaan mideysnaa oo ka soo baxay hay’adaha gargaarka ugu qaybsan Qaramada Midoobay oo looga dalbanayay madaxda xukuumada wadaaga ah ee Soomaaliya in ay kafaalo qaadaan amaanka Samafalayaasha ka shaqeeya Soomaaliya si ay u sii baahiyaan howlahooda shaqo ee samafal .

Dhanka kale hadalka Madaxweyne Sheikh Shariif  ayaa ku soo beegmaya xilli  ay shaqaale 15 qof  samafal ayaal ah oo isugu jira Ajaaniib iyo Soomaali ay ku afduuban yihiin K/Soomaaliya, waxaana ay gacanta ugu jiraan Kooxo dabley Soomaali ah oo sanadkii la soo dhaafay afduubtay.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: