Afhayeenka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye oo sheegay in la kala qaadi doono Ciidanka isku horfadhiya Magaalada Muqdisho.

axmed-diiriye

Halkaan ka akhri

Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Garabka uu Hogaamiyo Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa shaaca ka qaaday in meel wanaagsan ay umarayaan dhax dhaxaadin ay ka dhax wadeen Dhinacyadii dhawaan Muqdisho ku dagaalamay.

Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ah Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa sheegay in ay damaanad qaad buuxa ka heleen Xoogaga Xisbul Islaam oo dhawaan Dagaal lagalay Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.

Sida uu sheegay Afhayeenku waxaa la filayaa in saacadaha soo socda la kala qaado Ciidanka isku hor fadhiyo wadada Taleex degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho, wuxuu intaas ku daray in Maanta ay kulamo la qaada doonaan Mas’uuliyiinta Dowladda iyo Ciidanka AMISOM ee Xasuuqa ku caan baxay.

Si kasta ha ahaatee dadaaladan ay wadaan Odayaasha Beesha Hawiye ayaa suurta gal ka dhigi karta in Kumanaan qoys oo ka barakacay degmada Hodon dib ugu soo laabtaan waloow ay jiraan cabsi ku aadan in dagaalo dib u soo laabtaan, balse waxaa lagu hanweyn yahay in Shacabka aan Madaafiic lagu soo garaacin mar kale.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: