Advertisements

WAR DEG DEG AH Golihii wasiirada ee dowlad goboleedka Puntland oo Caawa la Ansixiyay laguna dhawaaqay.

faroole-cade

AKHRI MAGACYADA WASIIRADA IYO KUXIGEENADOODA

Halkaan ka akhri

garowe-guriga-dowladda-cusub

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa ku dhawaaqay Golihiisa wasiirada ee Xukuumadiisa xubnihii ugu horeeyey asagoo magacaabay 16 Wasiir iyo kuxigeenadooda, sidoo kale Wasiirul Dowlaha Ganacsiga. -Magacyada Wasiirada iyo Kuxigeenadooda-

Madaxweynaha ayaa intuusan saxiixin qoraalka uu ku magacaabayo Wasiirada, Wasiiro kuxigeenada iyo Wasiirul Dowlayaasha ayaa sheegay in aysan wax dhib ah u arag hadii ay dadka qaarkiis iska arki waayaan listiga Wasiirada iyo xubnaha uu magacaabay, asagoo intaasi raaciyey in dadka oo dhan aan wax la deeqsiin karin.

Wuxuuna Madaxweynaha Puntland ugu baaqay in xubnaha la magacaabay xilkooda si wanaagsan u gutaan asagoona ka codsaday shacabka inay la shaqeeyaan.

Magacyada Wasiirada oo in badan cusub yihiin ayaa sidan u qoran:

Wasaarada Cadaalada iyo Arrimaha Diinta iyo Dhaqan celinta
Wasiirka Cabdirisaaq Yasin Cabdulle Geesood
Wasiir kuxigeenka .. Maxamuud Siciid hussein

Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose
Wasiirka Cabdullahi Ahmed Jaamac
Wasiir kuxigeenka 1aad .. Yusuf Ahmed Khayr
Wasiir kuxigeenka 2aad .. Cali Yusuf Cali Xoosh

Wasaarada Amniga
Wasiirka Cabdullahi Siciid Samatar
Wasiir kuxigeenka 1aad .. Cabdi Yassin Xirsi

Wasaarada Maaliyada
Wasiirka Dr.Faarah Cali Jaamac
Wasiir kuxigeenka 1aad .. Cabdi Ibraahim Warsame
Wasiir kuxigeenka 2aad .. Yusuf Daahir Qodax

Wasaarada Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga
Wasiirka Nuuradiin Aadan Diiriye
Wasiir kuxigeenka 1aad .. Saynab Ugaas Yassin
Wasiir kuxigeenka 2aad .. Cali Axmed Gamuute

Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Daaqa
Wasiirka Axmed Xussen Yusuf
Wasiir kuxigeenka 1aad .. Dr.Nuur Axmed Yusuf
Wasiir kuxigeenka 2aad .. Cabdiweli Xirsi Nuur

Wasaarada Caafimaadka.
Wasiirka Dr.Bashiir Cali Biixi
Wasiir kuxigeenka 1aad .. Maxamed Xirsi Ducaale
Wasiir kuxigeenka 2aad .. Maymuun Cabdi Ducaale

Wasaarada Warfaafinta iyo Isgaarsiinta
Wasiirka Warsame Cabdi Shirwac
Wasiir kuxigeenka Cabdishakuur Mire Aadan….

Wasaarada Hawlaha Guud iyo Gaadiid.
Wasiirka Daahir Khaliif Faarax
Wasiir kuxigeenka 1aad .. Warsane Aadab Guuled
Wasiir kuxigeenka 2aad .. Cabdirisaaq Cilmi

Wasaarada Horumarinta Biyaha
Wasiirka Xasan Cabdi Maxamed
Wasiir kuxigeenka Burhaan Cilmi Xirsi

Wasaarada Kaluumeysiga iyo Khayraadka Bada
Wasiirka Saleebaan Ciise Axmed
Wasiir kuxigeenka Cabdikariim Saalax Cali (Aagaasimihii hore)

Wasaarada Haweenka iyo Qoyska
Wasiirka Caasha Geelle Diiriye
Wasiir kuxigeenka Xaliimo Maxamuud Maxamed

Wasaarada Shaqada iyo shaqaalaha dhalinyarada iyo Sportiga
Wasiirka Maxamed Nuur Cagweyn
Wasiir kuxigeenka Axmed Cigaal Cawaale

 Wasaarada illaalinta deegaanka iyo duujoogta iyo Dalxiiska
Wasiirka Cabdiqani Yusuf Cadde
Wasiir kuxigeenka Cismaan Cawad Cali

Wasaarada Dekkadaha iyo Gaadiidka Bada
Wasiirka Cabdirisaaq Xassan Gacayte….
Wasiir kuxigeenka Eng.Maxamed Ciise Lacle

Wasaarada Duulista Hawada iyo Garoonada
Wasiirka Axmed Cilmi Cismaan
Wasiir kuxigeenka..Cabdiraxmaan Jaamac Roorshe

Wasiirul Dowladaha Ganasiga
Maxamuud Faarax Maxamed

Madaxweynaha ayaa sheegay inay weli hareen xubno kale oo uu magacaabi doono iyo Wasaarado dhiman.

Waxaa kamid ah Wasaaradaha horey u jiray oo aan hada aan weli la magacaabin waxaa kamid ah Wasaarada Waxbarashada iyo Wasaarada Batroolka oo horey u jiray balse uusan Madaxweynaha weli sheegin inuu cid u magacaabay.

Qoraalka Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in uu dhaqan galayo Xeerkan Xukuumada ku magacaabay marka uu saxiixo, asagoo isla caawa uu saxiixay xubnaha kor ku xusan.

SomaliSwiss Garoowe

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: