Qaar ka mid ah Culimada Ugu waaweyn Soomaaliya oo soo saareen Bayaan….

masjidka-isbeheysiga

 Halkaan ka akhri

Soomaaliya waxay ku Nooshahay wadan iyo Shacab ahaanba imtixaano dheeraaday iyo dhibaatooyin is daba socda mudo 18 sanadood ah, sida: Qabsashada iyo Xadgudubka dibada ka yimid, Shirqoolada caalamiga iyo Gobolka ah, Fidnada Gudaha ee Qabyaaladda iyo jabhadaha Qabiilka ee ku gaboodfalay shabacka iyo wadanka muslimka ah  kalana kulmeen noocyo kala duwan oo ciriiri iyo bur bur ah, dhibaatooyin iyo masiibooyin, barakac gudaha iyo dibada ah,  waxaa ugu danbeeyey masiibooyinkaas duulaankii Xabashida ee tooska ahaa ee ay ku qabsadeen qaybo waawayn oo wadanka ka mid ah oo ay ka mid tahay Caasimada wadanka ee Muqdisho.

Kadib markay dhadhamiyeen Adoomada iyo wadanku macaanka nabada iyo daganaanshaha intuu jiray Maamulkii Midowga Maxkamadaha Islaamku. Wixii ka daba yimid duulaankaas oo ah dhibaatooyin waawayn sida: Xasuuq, burburinta wadanka, joojinta dhaqdhaqaaqa guud ee nolosha, qixinta dadka, dhabtii shacabka Soomaaliyeed waa iska caabiyeen qabsashadaas gardarada ah illaa illaahay ka kaafiyey dhibaatadoodii, burburiyeyna dhagartoodii, malahoodiina hoojiyey, waxayna u dhowdahay inay dhabarjeediyaan illaahay xeeladiisa iyo awoodiisa.

Intaa kadib waxaa muuqda isbadaladaan ugu danbeeya ee ka muuqada goobta dhexdeeda ee iskhilaaf iyo muran muslimiita la jihaadaya gumaysiga dhexdooda ah, shaydaanka oo isku diriya muwaxidiinta, kooxaha oo badanaya, taasoo wiiqaysa awoodooda, codowgooduna ku xoogaysanayo, kuna beeraysa jihaadka dhexdiisa marlabaad qaybo ka mid ah inxiraafyo khatar ah oo lagaga leexanayo manhajka  ahlu sunnah wal-jamaacah. Sida: in lasahlado isticmaalka xukunka qofka diinta kabaxa, gaalaysiin, daadinta dhiig aan waxba galabsan, ku dhiirashada dadka aan ehelka u ahayn  fataawada masaa’il ad-adag , shakina malahan natiijada arintaas inay khatar tahay, iyo ciribdanbeed aysan mahadin dhammaan ummaddu, dacwada islaamiga ah yoolkeeda, iyo  gaar ahaan wadaadada, kaasoo waajib ka dhigaya sixitaan dag dag ah iyo toosin joogta ah. 

Culimaduna iyadaa arinkaas lasocda kuli, waxayna dareensanyihiin masuuliyada dushooda saaran ee ah inay cadeeyaan axkaamta shareecada, iyo inay ummadda u nasteexeeyaan sida illaahay quraanka ku yiri; وَإِذْ أَخَذَ اللَّهُ مِيثَاقَ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ لَتُبَيِّنُنَّهُ لِلنَّاسِ وَلَا تَكْتُمُونَهُ فَنَبَذُوهُ وَرَاءَ ظُهُورِهِمْ وَاشْتَرَوْا بِهِ ثَمَنًا قَلِيلًا فَبِئْسَ مَا يَشْتَرُونَ١٨٧.

وقال صلى الله عليه وسلم « الدِّينُ النَّصِيحَةُ » قُلْنَا لِمَنْ قَالَ « لِلَّهِ وَلِكِتَابِهِ وَلِرَسُولِهِ وَلأَئِمَّةِ الْمُسْلِمِينَ وَعَامَّتِهِمْ »

Kulan ay yeesheen culimadu qaar kamida xajka sanadkan 1429H (2008) iyo helitaan warbixino faah faahsan oo kusaabsan xaalada wadanka iyo iyagoo ka indha buuxsaday xalaada cadawga qabsaday wadankooda, fitnada oo soo muuqata, is khilaafka Mujaahidiinta oo badan, daraasad ay ku sameeyeen sidii ummadda looga saari lahaa dhibkaan, sidoo kale culimadu fiirinta ay fiiriyeen dhowaanahan dhaqdhaqaaqa qaar ka mida culimada gudaha oo waday dhexdhexaadin walaalaha saxayeyna khaladaadka, waxay si wada jira usoo saareen bayaankan soo socda:-

1.      Waxaan ugu baaqaynaa Dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaana Mujaahidiinta inay wadaan Jihaadka ilaahay dartiis ah ee dhanka ka ah kuwa soo duulay ee wadanka qabsaday, iyagoo difaacaya caqiidadooda, naftooda, maalkooda, sharaftooda, wadankooda, sidoo kale dhinacyada oo dhan waxaan ugu yeeraynaa midnimo, inay isuturaan iyo inay isu kaalmaystaan wixii shareecada waafaqsan, si loo gaaro hadafkaas.  

2.      Waxaan cadaynaynaa dhamaantayo inaan si buuxda u taageersanahay dhammaan dadaaladii ay wadeen gudiga culimada ee danta iyo sixitaanka ahaa, taasoo uu madax u ahaa Fadiilatu Shiikh Bashiir Axmed Salaad, waxaan taageeraynaa go’aanadii, dardaaranadii iyo fataawooyinkii hore ee uu soo saaray gudigaas.

3.      Waxaan ugu yeeraynaa dhammaan dhinacyada goobta ka dagaalamaya inay aqbalaan kana qayb qaataan shirka dhexdhexaadinta ee uu ku dhawaaqay gudiga culimada bisha soo socota ee Muxaram, waxaan ka digaynaa in la sahlado lana fududaysto ka shaqaynta hagaajinta walalaaha dhexdooda.

4.      Sidoo kale waxaan ku baaqaynaa inay waajib tahay in loo celiyo Masaa’isha sharciga, dhacdooyinka waawayn ee aan hore loo arag (Nawaazil- Balaayo) qaar kamida culimada ku takhasustay lana aamin sanyahay, gaar ahaan wixii laxiriira dhiiga, xoolaha, sharafta, waxaan ka digaynaa in lagu dagdago, laguna xadgudbo gaalaysiinta iyo in xukum lagu rido ashkhaasta iyadoo aan la daa’imayn waxyaabihii shareecadu ku xirtay.

 

5.      Waxaan ugu yeeraynaa shacabka Soomaaliyeed inay ka digtoonaadaan dhagarta cadowga, kaasoo doonaya in waligiis dabka fidnada uu ka huriyo wadanka, qabiil qabiilna dadka dhexdiisa isugu diro, iyo inuu wadankiina kala googooyo jiritaankiinana tirtiro.

6.      Waxaan u dardaarmaynaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay illaahay toobad dhab ah u toobad keenaan, isuna duleeyaan iyo inay illaahay duco khaalis ah ku waydiistaan inuu balaayada iyo dhibka ka dulqaado iyaga iyo wadankoodaba. Maxaayeelay balaayo masoo dagto illaa danbi ayaa sababa, lagumana qaado waxaan alle u noqosho ahayn.

7.      Waxaan ugu yeeraynaa guud ahaan ummadda islaamka, culimmadana gaar ahaan inay garab istaagaan walaalahooda Soomaaliyeed,iyagoo ka jawaabaya illaahay qowl kiisii ahaa; إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَهَاجَرُوا وَجَاهَدُوا بِأَمْوَالِهِمْ وَأَنْفُسِهِمْ فِي سَبِيلِ اللَّهِ وَالَّذِينَ آوَوْا وَنَصَرُوا أُولَئِكَ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاءُ بَعْضٍ Sidoo kale waxaad si khaasa ugu mahad celenaynaa Culimadii sharafta lahayd ee soo saaray bayaanadii ay ku tiltaamayeen inay walaalahooda Soomaaliyeed dhibka laqaybsanayaan iyo soo bandhigidooda dareenkooda walaalnimo ee ku aadan waxa kasocda Soomaaliya. Illaahay aayaan waydiisannaynaa anaga iyo iyagaba waafajinta iyo xaqa.  

Ugu danbayntii illaahay ayaan waydiisanaynaa inuu fitnada iyo imtixaanka ka korqaado guud ahaan ummadda Islaamka, khaas ahaana wadankeena, iyo inuu xaqa ku mideeyo, cadowgoodana uga hiiliyo, illaahay waa mid maqlaya, dhowna, baryooyinkana aqbala.

Magacyada Culimada ka qaybqaatay:

1.      Sheekh Calaamah Shariif Cabdinuur Shariif

2.      Sheekh Cumar Faaruuq Xaaji Cabdi Suldaan

3.      Sheekh Dr. Axmed Maxamed Maax

4.      Sheekh C/qaadir Nuur faarax

5.      Sheekh Maxamed Cabdi Umal

6.      Sheekh Daahir Aw-Cabdi

7.      Sheekh Xasan Xuseen Aadam

8.      Sheekh Dr. Cali Cumar Cabdullaahi

9.      Sheekh Dr. Cali Maxamed Saalax

10. Sheekh Faarax Mire Rooble

11. Sheekh Maxamed Idiris Axmed

12. Sheekh Dr. C/risaaq Maxamud Takar

13. Sheekh  Maxamed Qaasim Maxamud

14. Sheekh  C/laahi Daahir Jaamac

15. Sheekh  C/raxmaan Abyad

16. Sheekh  Aadam Sh. C/laahi

17. Sheekh  C/risaaq Aadam Macalim

18. Sheekh  Maxamud Sh. Axmed Xasan (Abu Shaybah)

19. Sheekh  Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun

20. Sheekh Maxamed Cismaan Calasow

21. Sheekh C/qani Huseen  

Faah faahin bayaankan ku saabsan Sheekh Maxamud Sh. Axmed Xasan (Abu Shaybah) Tel:+966567031979.

Bayaankan oo Carabi ku soo baxay ayaa waxaa Tarjumay Shabakadda Somalitalk.com

 

Bayaanka oo Carabi ah:-

 

بسم الله الرحمن الرحيم

 

الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على رسول الله وآله وصحبه أما بعد ،

 

فقد عاش الصومال بلدا وشعبا محنة قاسية ونوازل متتالية منذ 18 عاما، من الإحتلالات والإعتداءات الخارجية، والمؤامرات الدولية والإقليمية، والفتن الداخلية، من العصبيات القبلية وتسلط العصابات الإجرامية، وتعرض شعبه وبلده المسلم لألوان من الإضطهاد والدمار، والمآسي والكوارث، والتشرد في الداخل والخارج، وكان آخر هذه النوازل الغزو الحبشي المباشر لأجزاء واسعة من البلاد بما فيها العاصمة  بعد أن ذاق العباد والبلاد طعم الأمن والإستقرار في ظل نظام المحاكم الإسلامية، وما تلا هذا الغزو من محن عظيمة من القتل الجماعي ، وتدمير البلاد، وتعطيل المصالح، وتشريد السكان، وقد قاوم الشعب الصومالي هذا الإحتلال، حتى كفّ الله بأسه، وأحبط كيده، وخيّب ظنه، وأوشك على الإندحار بحول الله وقوته، ثم كانت هذه التطورات الأخيرة التى برزت فيها الى الساحة بعض الخلافات والنزاعات بين المسلمين المجاهدين للإحتلال، وتحريش الشيطان بين أهل التوحيد، وتعدد الفصائل، مما يضعف شوكتهم، ويقوي عدوهم، ونبتت في ساحات الجهاد أيضا بعض الإنحرافات الخطيرة عن منهج أهل السنة، من التساهل في إطلاق أحكام الردة، والتكفير، وسفك الدماء المعصومة، وإجتراء غير المتأهلين على الفتوي في المسائل المعضلة، ولا شك أن لذلك نتائج خطيرة، وعواقب وخيمة، على الأمة بأسرها وعلى مسيرة الدعوة الإسلامية والمتدينين خصوصا، مما يستوجب التصحيح العاجل، والترشيد المستمر.

 

والعلماء وهم يتابعون ذلك كله عن كثب، ويستشعرون المسؤولية الواقعة على عاتقهم في بيان الأحكام الشرعية، والنصح للأمة كما قال الله تعالى ﭽ ﭑ                                                   آل عمران: ١٨٧  وقال صلى الله عليه وسلم « الدِّينُ النَّصِيحَةُ » قُلْنَا لِمَنْ قَالَ « لِلَّهِ وَلِكِتَابِهِ وَلِرَسُولِهِ وَلأَئِمَّةِ الْمُسْلِمِينَ وَعَامَّتِهِمْ »

 وبعد إجتماع عدد منهم في موسم الحج لعام 1429 (2008) وتداولهم للتقارير المفصلة حول أوضاع البلاد, وإمعان النظر فيما حل ببلدهم من احتلال العدو، وظهور الفتن, والإختلاف السائد على ساحة المجاهدين، ودارسة الحلول المناسبة لإخراج الأمة من هذه الأزمة, وبعد إطلاعهم أيضا على تحرك بعض العلماء في الداخل مؤخرا لإصلاح ذات البين وتصحيح الأخطاء، أصدروا البيان التالي بالإجماع:

1-      نناشد الأمة الصومالية المسلمة عموما، والمجاهدين خصوصا إلى مواصلة الجهاد في سبيل الله ضد الغزاة المحتلين، دفاعا عن عقيدتهم, وأنفسهم, وأموالهم, وأعراضهم, ووطنهم، كما ندعو كل الأطراف المعنية إلى الوحدة والتكاتف والتعاون الشرعي لأجل تحقيق ذلك.

2-       نعلن تضامننا الكامل مع كافة الجهود التي تقوم بها لجنة العلماء للمصالحة والتصحيح، والتي يرأسها فضيلة الشيخ بشير أحمد صلاد, ونؤيد القرارات والتوصيات والفتاوى السابقة التي صدرت عن اللجنة.

3-       ندعو جميع الأطراف المعنية في الساحة إلي الاستجابة والمشاركة في مؤتمر المصالحة الذي دعت إليه اللجنة في بداية شهر محرم المقبل، والحذر من التساهل والتهاون في السعي إلى إصلاح ذات البين.

4-       يجب إسناد المسائل الشرعية, والنوازل المستجدة إلى أهل الاختصاص من العلماء المعتبرين، لا سيما فيما يتعلق بالدماء, والأموال, والأعراض, والحذر من التسرع والغلو في التكفير والحكم على الأعيان دون التزام الضوابط الشرعية في ذلك.

5-       ندعو الشعب الصومالي الحذر من مكر الأعداء الذين يريدون دوما إشعال نار الفتنة وإثارة النعرات الجاهلية فيما بينهم, وتمزيق بلادهم, والقضاء على كيانهم.

6-       نوصي الشعب الصومالي عموما التوبة النصوح إلى الله والتضرع إليه، والدعاء الخالص لكشف البلاء والضراء عنهم وعن بلادهم، فإنه ما نزل بلاء إلا بذنب، ولا رفع إلا بتوبة.

7-       ندعو الأمة الإسلامية عموما, وعلمائها خصوصا إلى الوقوف بجانب إخوانهم في الصومال استجابة لقول الله تعالى: {               الأنفال: ٧٢ كما نخص بالشكر العلماء الأفاضل الذين أصدروا البيانات تعبيرا عن تضامنهم مع إخوانهم في الآلام، وإبداءً لمشاعرهم الأخوية تجاه ما يجري في الصومال، ونسأل الله لنا ولهم التوفيق والسداد.

 

 

 وفي الختام نسأل الله تبارك وتعالى أن يرفع الفتن والمحن عن أمتنا الإسلامية عموما, وعن بلدنا خصوصا, وأن يوحد كلمتهم على الحق, وينصرهم على عدوهم, إنه سميع قريب مجيب الدعوات.  

7/12/1429 (5/12/2008)

أسماء العلماء المشاركين:

1.     الشيخ العلامة الشريف عبدالنور الشريف

2.     الشيخ عمر الفاروق حاج عبده سلطان

3.     الشيخ الدكتور أحمد محمد ماحي

4.     الشيخ عبدالقادر نور فارح

5.     الشيخ محمد عبد أمل

6.     الشيخ طاهر أوعبده

7.     الشيخ حسن حسين أحمد

8.     الشيخ الدكتور عمر علي عبدالله

9.     الشيخ الدكتور علي محمد صالح

10. الشيخ فارح مري روبلي

11. الشيخ محمد إدريس أحمد

12. الشيخ الدكتورعبدالرزاق محمود تكر

13. الشيخ محمد قاسم محمود

14. الشيخ عبدالله طاهر جامع

15. الشيخ عبدالرحمن أبيض

16. الشيخ آدم شيخ عبدالله

17. الشيخ عبدالرزاق آدم معلم

18. الشيخ محمود شيخ أحمد حسن أبوشيبة

19. الشيخ مصطفى حاج إسماعيل هارون

20. الشيخ محمد عثمان علسو

21. الشيخ عبدالغني حسين

 

لمزيد من المعلومات : الإتصال بالشيخ محمود أبوشيبة (+966567031979)

 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: