Dowladda Ethiopia oo Niyad jab ka muujisay sida ay uga xun tahay horumar la’aanta Siyaasadda ee ka jirto gudaha hoggaanka Dowladda KMG ah.

 ethiopia

Halkaan ka akhri

Afhayeenka Dowladda Ethiopia Wahida Palay ayaa Saaka shaaca ka qaaday in ay Guul daraysatay Dowladda KMG ee Soomaaliya islamarkaana ay Soomaaliya ay gacanta u geli doonto Xoogaga Islaamiyiinta ee Kacdoonka ka wado gudaha dalka Soomaaliya .

 

War ay soo saartay Wasaaradda arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa lagu sheegay in Madaxda Dowladdu ay Guuldaraysteen inay ku dhaqmaan  hab dowladeedka ku qoran dastuukooda, islamarkaana ay dhegaha ka fureysteen baaqii dhawaan ay Dowladaha IGAD u soo ujeediyeen hoggaan Madaxda Sare Dowladda KMG ah.

Arrintan waxay dowladda Ethiopia ka muujisay sida ay uga Niyad jabsantahay horumar la’aanta Siyaasadda ah ee ka jirto gudaha Dowladda KMG ah.

Wahida Palay oo ah Afhayeenka Dowladda Itoobiya oo Idaacadda VOA-da la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in Ethiopia ay Ciidamadeeda ka qaada doonto Soomaaliya maadaama aysan jirin dowlad muuqato oo ay tageeraan.

Afhayeenku wuxuu intaas ku daray inb R/wasraha Itoobiya Males Zanawi uu shalay si cad ugu sheegay Col. Yuusuf iyo Nuur Cadde Fashilka Ciidanka Itoobiya ay ku Fashilmeen Somalia islamarkaana ay Itoobiya u Hoggaansami doonto Heshiiskii Jabuuti lagu gaaray.

Hadalka  ka soo yeertay Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Ethiopia ayaa muujinayso in Ciidanka Ethiopia ay ka bixi doonaan Waqtigii lagu balamay, arrimahan ayaa ku soo beegmaya  xilli ay is khilaafsan yihiin Madaxda dowladda, islamarkaan degmooyin ka tirsan gobalka Shabeelaha Hoose ay la wareegeen Xoogaga Al Shabaab.

SomaliSwiss  Addis-Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: