Xoogagga MMIS oo isku khilaafay maamulka magaalada Jowhar, kadib markii uu maamul cusub oo isla Maxkamadaha ah uu lawareegay magaalada Jowhar.

Xoogagga MMI

Magaalada Jowhar

Halkaan ka akhri

Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe waxaa saakay ka jira xiisado u dhaeeya maamulka Maxkamadaha Islaamiga ah ee gacanta ku haya maamulka gobolka Sh/dhexe iyo maamul cusub oo isna ka tirsan isla Maxkamadaha Islaamiga ah.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamo uu wato Ninka sida aadka ah ugu dhow Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo lagu magacaabo C/llaahi Macalin Mukhtaar oo dhowaan kayimid dalka Jabuuti uu talada Magaalada Jowhar kala wareegay hogaankii hore ee Macalin Daahir, waxaana taasi ay keentay in ay ka caroodaan Xubnihii la safnaa Macalin Daahir.

Is bedelkan ayaa ah mid ka yimid dhinaca Jabuuti, taasoo hogaanka Magaalada laga wareejiyay Xubnihii hore ee uu hormuudka u ahaa Macalin Daahir, waxayna wararku sheegayaan in waabarigii saaka iyo shalay gelinkii dambe ay Magaalada ka dhaceen gacan ka hadal dhex maray labada maamul, midkii hore iyo kan cusub ee uu Hogaaminayo C/llaahi Macalin Mukhtaar.

Xoogaga uu hogaaminayo C/llaahi Macalin Mukhtaar ayaa haatan gacanta ku haya Magaalada Jowhar, iyada oo Magaalada uu isaga baxay hogaankii hore ee Macalin Daahir iyo Ciidamo uu watay oo markii hore ka biya diidsanaa bedelaada lagu sameeyay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Macalin Daahir iyo C/llaahi Macalin Mukhtaar uu wada hadal dhex maray kadibna is afgarteen sidaas daraadeedna uu Macalin Daahir ciidamnkiisa magaalada ugala baxay.

Dhinaca kale Saraakiisha Maxkamadaha oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Jowhar ayaa sheegay in Maanta wixii ka danbeeya ay ka qaadeen bandoow in mudo ah saarnaa magaalada Jowhar, taasina ay u yeeleen iyagoo ku Ixtiraamaya Bisha Ramadaan si dadka ay u cibaadeeystaan.

SomaliSwiss Jowhar

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: