Ramadaan kariim dhamaan Muslimiinta ku dhaqan Aduunka, Beri ah waa 1-da Bisha Ramadaan.

Ramadaan Kariim

Ramadaan Kariim

Halkaan ka akhri

Dhalashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa Caawo laga arkay goobo dhowr ah oo ku yaala gobolada Banaadir, Sh/hoose iyo Sh/dhexe ka dib dadaalo loo galay soo xaqiijinteeda taasina waxaa ay ka dhigeysaa in Maalinta berito ah ay tahay Maalin Soon ah, iyadoo dadka Soomaaliyeed inta badan ay diyaar garoow u galeen soo dhaweynta Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

 

Wararka ka imaanaya magaalada Marko ee xarunta gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in imaanka Masjidul Raxma, Sheikh C/Qaadir uu isagu uu indhihiisa ku arkay dhalashada Bisha Ramadaan, sidoo kalena uu tusay tiro kale oo dad ah kuwaasi oo iyaguna xaqiijiyay, intaasina waxaa sii dheer in meelo kale oo ka tirsan gobolkani Banaadir iyo degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe in laga arkay si weyna dadka muslimiinta ah ay u soo dhaweeyeen Caawo.

Bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa Caawo si aan shaki laheyn looga arkay wadanka Somalia, iyadoo lafilayo dadka Soomaaliyeed oo dhan in ay Beri wada soomi doonaan.

Sidoo kale waxaa Bisha Barakeysan ee Ramadaan laga Arkay wadama badan oo ay kamid yihiin wadamada Carabta iyagoo intooda badanna Xaqiijiyay in Maalinta Beri ah oo ay Taariikha ku Aadan tahay 01, Ramadan, 1429H, halka ay tankale tahay 01, 09, 2008.

Sidoo kale Jaaliyadda SomaliSwiss iyo Shaqaaleheeda waxey dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankan Switzerland iyo Aduunkaba ugu Bishaareynayaan dhalashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Waxaan sidoo kale idiinku Bishaareyneynaa hadii wakhtigu inoo saamaxo in aan idiin soo gudbin doono Video iyo Baraamijya Diini ah oo aanu idinku tala galnay in aad uga Faa’iideysataan Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Ramadaan Kariim

Yusuf Garabey

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: