Magaalada Buulo-Burde oo looga dhawaaqay Maxkamad Islaami ah oo ay dadka deegaanka raali ka yihiin.

Maxkamad Islaami ah

Halkaan ka akhri

Magaalada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan ayaa shalay galinkii danbe waxaa looga dhawaaqay Maxkamad Islaami ah oo ay raali ka yihiin dadka degan deegaankaasi.

Saraakiil ka mid ah Mujaahidiinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay in mudo ahba qorshaynayeen qaabkii ay magaalooyinka hoos yimaada gobolka Hiiraan uga hir-galin lahaayeen Maxkamad Islaami ah oo shacabka ku dhaqda Shareecadda Islaamka.

Mid ka mid ah Saraakiisha Mujaahidiinta Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Sheikh C/Raxmaan Macow ayaa sheegay in ujeedada loo sameeyay Maxkamadan ay tahay sidii ay wax uga qaban lahayd arimaah danbiyada iyo dacwadaha shacabka ka dhaxeeya.

Maxkamadan ayaa gudoomiye loogu magacaabay Sheikh C/laahi Macallin Hilowle waxaana uu ka codsaday Shacabka reer Buulo-Burde in ay la shaqeeyaan kuna garabsiiyaan hir-galinta ku dhaqanka Shareecadda Islaamka.

Dadka ku dhaqan magaalada Buuo-Burde ayaa si aad ah u soo dhaweeyay Maxkamadan looga dhawaaqay degmada Buulo-Burde.

Saraakiisha Maxkamadaha ayaa sheegay in ay Maalmaha soo socdana Maxkamada tan la mid ah uga dhawaaqi doonaan degmooyin dhowr ah oo ay ka mid tahay Jalalaqsi, Buq-Aqable, Matabaan iyo Maxaas kuwaas oo dhamaantood Hoos taga gobolka Hiiraan.

Waa markii ugu horeysay oo Maxkamad Islaami ah looga dhawaaqo gobolka Hiiraan tan iyo intii ay ciidamada gumeysiga Ethiopia xooga iyo sharci darada ku soo galeen gudaha dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss Buulo-Burde

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: