Ethiopian Xuska Miliniyamka wadanka Ethiopia markii ugu horaysay magaalada Hargeysa loogu sameeyay.

Xuska Miliniyamka

Halkaan ka akhri

Hargeysa: Xuska Miliniyamka wadanka Itoobiya ayaa markii ugu horaysay si heer sare ah loogu xusay caasimada wadanka Somaliland ee Hargeysa.

Xuska munaasibadaas oo ay dhinaca Somaliland uga qayb-galeen raxan ka tirsan Golaha Wasiirada iyo ku-xigeenadooda, masuuliyiin ka socday Saddexda Xisbi Qaran, 36 xubnood oo isugu jiray masuuliyiin iyo ganacsato Itoobiyaan ah oo ka yimi Addis Ababa, Ururada bulshada ra’yidka ah qaybo ka mid ah iyo marti sharaf kale oo aan la soo koobi Karin.

waxana xafladan oo ahayd ciyaaro iyo Miyusic isku dhafan aad u jeclastay dhamaan dadkii xaflada Joogay kuwaasi oo intooda badani rabay in ay wax ka ogaadaan dhaqanka iyo fanka Itoobiya.

safiirka Itoobiya u fadhiya Hargeysa Md Damise Wabushet oo isagu hadal kooban halkaasi ka jeediyay ayaa u mahad naqay dhamaan dadkii xaflada ka soo qayb galay waxana uu sheegay in ay markii ugu horaysay ay Hargeysa ku qabtaan xafladan oo kale waxana uu balan qaaday in ay mar walba wixii xaflado ah ee Adis lagu qabto Hargeysana lagu dhigi doono.


Sourse Soomaalida Maanta

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: