Duqa magalada Baladweyne Aadan Garaaso ayaa shaaca kaqaaday in ay Ciidamo madani ah ka dhisayaan Baladweyne.

Aadan Garaaso

Halkaan ka akhri

Duqa magalada Baladweyne Aadan Garaaso ayaa shaaca ka qaaday in ay ku hawlan yihiin sidii ciidamo madani ah loogu samayn lahaa Degmada Baladweyn kuwaasi oo ka shaqeenaya Sugidda Amaanka Magaalada.

Aadan Garaaso ayaa sheegay in ciidamadan madaniga ah laga soo xuli doono dadka deegaanka Gobolka Hiiraan wuxuuna sheegay in ay badalayaan Ciidamada Gumaysiga Ethiopia oo fariisimada ka samaystay gudaha magaalada Baladweyne.

Sidoo kale Aadan Garaaso ayaa sheegay in ay Xiriir la samaynayaan Xoogagga Mujaahidiinta oo dagaalka kula jira Ciidamada gumaysiga Ethiopia ee fadhigoodu yahay Gobolka Hiiraan.

Aadan Garaaso ayaa sheegay dhismaha ciidamadan in ay qayb ka qaadan doonaan Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan wuxuuna intaa ku daray in hawsha ciidamadani ay ku ekaan doonto sugidda amaanka Degmada Baladweyne.

Horay ayaa ciidamo Madani ah waxaa Degmada Baladweyne uga aasaasay Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan kuwaas oo Xoogagga Mujaahidiinta ka dalbaday in ay isaga baxaan magaalada, ayna Damaanad qaad ka haystaan Ciidamada Gumaysiga Ethiopia in aysan soo galayn magaalada, waxayna Ciidamada gumaysigu ka baxeen Heshiiskii ay la galeen Odayaasha ayaga oo si lama filaan ah usoo galay Magaalada kadib markii ay isaga bexeen Ciidamada Mujaahidiinta.

SomaliSwiss Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: