Ururka Al-Shabaab oo shaaca ka qaaday in uusan wax wada hadalo ah la galin maamulka degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Ururka Al-Shabaab

Halkaan ka akhri

Bayaan ka soo baxay dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in ay yihiin warar been abuur ah oo sal iyo raad toona laheyn warar tibaaxayey in kulan uu ka dhacay degmada Xudur ee gobolka Bakool kaasoo ay Idaacaduhu sheegeen in uu dhex maray dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab iyo maamulka degmadaasi.

Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa sheegay in uu jiri karin wax kulamo ah oo dhex mara saraakiisha Ururka iyo maamulada ay soo magacowday dowladda KMG ah, isla markaana aan qorshaha ugu jirin talaabadaasi, sida ku xusan bayaanka Al-Shabaab.

Dhanka kale, bayaanka Al-Shabaab ayaa lagu xusay Ururka in uusan wax lug ah ku laheyn waraaqadaha digniinta kuwaasoo mararka qaar lagu daadiyo gudaha magaalada Muqdisho.

Warkan ka soo baxay dhaq dhaaqa Al-Shabaab ayaa ku soo beegmayaa saacado ka dib markii warbaahinta gudaha ay baahiyeen warar tilmaamaya kulamo dhex maray Al-Shabaab iyo maamulka degmada Xudur, warkaasoo uu si kulul u beeniyey Ururka Al-Shabaab.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: