Shariif Xasan Sh. Aadan oo rajo weyn ka muujiyey in Ciidamada Ethiopia dalka uga baxayaan mudadii lagu heshiiyey.

Shariif Xassan Sheikh

Halkaan ka akhri

Shariif Xasan Sheikh Aadan oo ah Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Isbaheysiga Dib u Xorenynta ee ku sugan Jabuuti ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay in Ciidamada Ethiopia dalka uga baxayaan mudadii lagu heshiiyay.
Balse Gudoomiyaha Golaha Dhexe Shariif Xasan ayaa wuxuu soo dhoweeyay dadaalada ay wadaan Beesha Caalamka, isagoo dhanka kale wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalada ka socda Qeybo ka mid ah Dalka.

Wuxuu kaloo Shariifka sheegay in Khilaafka isbaheysigooda u dhaxeeya ay tahay in lagu xaliyo xeerka Isbaheysiga u yaal, wuxuuna soo qaatay in Isbaheysiga wali jiritaankiisa dhab yahay.

Wuxuu kaloo ugu baaqay dhinacyada Isbaheysiga in ay bilaabaan sidii ay khilaafka u xalin lahaayeen, isagoo dhanka kale u jeediyay Xubnaha ku sugan Jabuuti in ay bilaabaan hanaan la isku imaan karo.

Hase yeeshee Isbahaeysiga Garabka Asmara ee uu hormuudka u yahay Sheikh Xasan Dahir ayaa horay waxay uga soo horjeesteen heshiiskii gaarey Dowladda KMG Soomaaliya, kaasoo ay gebi ahaanba ay ku tilmaameen mid aan waxba ka jirin.
 

 

 SomaliSwiss Jabuuti

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: