Xiriirka kubadda cagta ee FIFA oo maanta dayactir ka billaabay garoonka kubadda cagta ee cons Stadium ee Magaalada Muqdisho.

Garoonka Stadio Cons

Daawo Sawirada kale

Halkaan ka akhri

Mas’uuliyiin ka tirsan laba gole ee dowladda iyo madaxda xiriirka guud ee kubadda cagta ee Soomaliya ayaa maanta dhigay dhagaxii ugu horreeyey, howl dhisme ah oo lagu dayac tirayo garoonka Kubadda Cagta ee Cons Stadium ama Stadio Kons sidaad u taqaanaan.

Dhagax dhigida Cons Stadium

Garoonkaan ayaan helin wax dayactir ah tan iyo xilligii ay billowdeen dagaladda dhiiga badan ku daatay ee lahu hoobtay ee ka dhacay wadanka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Axmed C/Salaan

Waxaa munasaabadda dhagax dhigida ka soo qayb galay Wasiirka warfaafinta dhalinyada iyo Sportiga Axmed C/salaam X. Aadan. Iyo Wasiirka Howlaha guud iyo guriyeynta Nuur Iidoow Beyle, Wasiirka Sportiga ee dowlad gobaleedka Puntland ahaana cayaartooy hore oo ka tirsanaan jiray Naadigii LLPP ee Jeenyo Saciid Qoorsheel, Guddoomiye ku xigeenka duqqa magaaladda Muqdisho xagga arrimaha bulshada Maxamed Cusmaan Cali ‘Dhagaxtuur’ Madaxa dayactirka Cons Stadium Inj C/salaam, waxaa kaloo ka mid ahaa Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Saciid Mugaambe, xogyaha xariirka soomaaliyeed ee kubadda cagta, Cabiqani Saciid Carab Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Olympic-kada Soomaaliyed Aadan X. Yabaroow Wiish, Guddoomiya degmadda C/Casiis, Marwo Sacdiyo Axmed Gacal.

Garoonka Cons Stadium

Waxaa ugu horeyn halkaas ka hadlay Cabdiqani Saciid Carab oo waxaana hadalka uu soo dhaweeyey Md. Guddoomiye ku xigeenka duqqa magaaladda Muqdisho xagga arrimaha bulshada Maxamed Cusmaan Cali ‘Dhagaxtuur’ oo u mahadceliyey guud ahaanba masuuliyinta dowladda ka soo qayb galayaasha taasoo uu sheegay iney ku faraxsan yihiin haddii ay yihiin maamulka Gobolka oo uu rabitaankoodu yahay hay’adaha kala duwan ee qaranka in ay gacan ku siinayan gudashada waajibaadkooda shaqo.

Cabdiqani Saciid Carab

Kulanka dhagax dhigga dhismamaha Garoonka Cons Stadium ayaa waxaa ka hadlay wasiirka howlaha guug iyo guriyeynta Nuur Iidoow Beyle,, waxaa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay kasoo qayb galka xaflada taasoo uu ku macneeyey in muddo dheer inaan laga sameyn garoonkaas wax dayac tir ah, waxaana uu sheegay isagoo qoslaya iney soo celin doonaan kooxihii magaca dalka kulahaan jirey waayadii hore oo kale, waxaa uu u hambalyeeyey dadkii ka soo shaqeeyey dhismaha lagu soo nooleynayo garoonkaas bilcdiisa iyo gudashada waa jibaadkiisa shaqo.

Maxamed Cismaan Cali “Dhagaxtuur”

Waxaa kaloo munaasbada dhagax dhigga garoonka ka hadlay Wasiirka Warfaafinta, dhalinyarada iyo Sportiga Axmed C/Salaam X. Aadan oo awalan u mahadceliyey xariiradda kala duwan ee ciyaaraha iyo waliba maamuladda kala duwam ee dowladda, waxaana uu amaanay xariirka kubadda cagta ee FIFA oo iyagu suurto galiyey, waxaa uuna dardaaran adag u soo jeediyey saxaafadda isagoo kula taliyey ineey shaqadooda maalmeed ineey ku darsadaan dhinacyada qurxoon ee Soomaliya iyo dhismayaasha la wado, oo aysan ku koobnaan oo kaliya dhibaatadda dalka ka jirta ineey ka bixiyaan sawir oo qura.

Inj. Cabdisalaan

Lama sheegin lacagta ku baxaysa dhismaha garoonka Cons Stadium inta ay la eg tahay, iyo waliba muddada ay qaadanayso dhismaha garoonka Cons Stadium, waxaase lasoo hadal qaaday in dhaqaalaha ku baxaya dhismaha garoonkaas iney bixineyso Xariirka FIFA.

Nuur Iidow Bayle

Si kastaba ha ahaatee garoonkaas ayaa Waxaa shalay si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furmay taratanka Ciyaaraha fudud ee koobka Janaraal Daa’uud, iyadoo furitaankaasi tartankaasi ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin Isborti, iyo marti sharaf kale.

Wariikaka Isportiga Puntalnd Saciid Qoorsheel

Tartankaasi ayaa waxaa ka qeybgalaya kooxaha ay ka mid yihiin Bil Kheyr,Barwaaqo, Heegan, Jubba iyo shabeelle, waxaana tartankaasi kooxaha ay ku tartami doonaan oradada kala ah: 400 Mitir, 800 Mitir, 1500 Mitir, 3000 Mitir,100-ka mitir iyo 2oo Mitir, sidoo kale waxaa la ciyaari doonaa Boodada Hoose oo wiilal iyo Gabdho ah.

Saciid Mugaanbe

Garoonkaanm ayaan helin wax dayac tir ah muddo dheer kaasoo dhidabada loo taagay muddo haatan laga joogo daqiiqado.

SomaliSwiss Wariye Muuse Jiscow Muqdisho
 

Burburka Garoonka

Aadan Xaaji Yabarow “Wiish”

Qaar kamid ah Cayaartooydi Hore

Cayaartoy hore Cabdulaahi Baaskuwaale

Muuqaalka Garoonka Cons Stadium

Garoonka Cons Stadinum

Boorka Hore

Dhagax saarida koowaad

Sacdiya Axmed Gacal

SomaliSwiss Wariye Muuse Jiscow Muqdisho
 
%d bloggers like this: