Ururka Gar Gaarka walaalaha UK oo deeq Lacageed gaarsiyey dadka ku tabaaleysan deegaanka Ceelasha Biyaha Gobalka Sh/Hoose, waxayna mudan yihiin ku dayasho iyo Mahadcelin.

Deeq lacageed

Halkaan ka akhri

17 Sano  oo dagaal Sokeeye ah iyo hal Sano iyo dhowr bilood oo dagaal shisheeye ah ayaa Soomaalida qurba joogta ah waxay muujiyeen u gar gaaridda dadkooda ku dhibaateysnaa gudaha dalka Soomaaliya, hase yeeshee waxaa ammaan gaar ah mudan Ururka Gar Gara Walaalaha UK oo ay ku midaysan yihiin qaar ka tirsan jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska ayaa waxay had iyo jeer deeqo lacageed gaarsiiyay deegaanka Ceelasha Biyaha oo ay ku nool yihiin Kumanaan qoys oo ah dadakii ka Barakacay magaalada Muqdisho.
 
Gar Gaar UK oo maalmihii lasoo dhaafay howlo samafal ah ka waday Muqdisho ayaa soo gaba gabaysay, dhawaan ayay Guddi loo xilsaaray qaybta deeqdaas Lacago deeq uqaybiyeen Shacabka ku Barakacay Ceelasha Biyaha.
 
Nin la yiraahdo Shiikh Nuur Jidfure oo ah qofka loo xilsaaray qaybinta Lacagta Deeqda ah ayaa sheegay in howlihii deeq qaybintu ay si hufan ku dhammaatay, wuxuu Saxaafadda u sheegay in ilaa iyo 5000-kun oo qoys  ay u qaybiyeen Gar Gaarkii deeqda lacagayd ahayd ee ay soo direen Walaalaha UK xili Dadkaas ay haysatay Macluul aad u ba’an, Shiikh Nuur Jidfure iyo Shiikh Cali Gacameey ayaa Warbaahinta usoo bandhigay 70-Milayn oo Shilin Soomaali ah oo ay dadka Masaakiinta ay u qaybiyeen.
 
Waxaa deeqdas la geeyey Xerooyinka ay ku noolyihiin Dadka Tabaalaysan loona qabiyay Deeqda waxaa ka mid ah, balse meelaha la geeyey waxaa ka mid ah:- Cuuryaamiinti Muqdisho kabarakacaday, Indhoolayaasha, iyo Dadkale oo aad u tabaalaysan cudarada qaarna ay ku dhibanaa sida Kor cun-cunka iyo Daafka.
 
Ururka u Gar Gaarka UK ee uu gudoomiye ka yahay Imaan Shiikh Bashiir Dhoolayare waxay Shacabka Muqdisho iyo Sh/hoose ka kasbadeen Duco iyo Amaan.
 
Si kasta ha ahaatee Shacabka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay Walaalaha Soomaaliyeed ee kunool Dibadda in ay ku daydaan Ururka Gar Gaarka UK oo ay Lacago deeq ah usoo diraan Shacabka ku waxyeeloobay Xasuuqa Ciidamada Dowladda KMG ah iyo Ciidamada Ethiopia oo ay Muqdisho ka wadaan.
 
SomaliSwiss    Afgooye
Somaliswiss@hotmail.com
%d bloggers like this: