Isbaheysiga dib u Xoreynta Soomaaliya garabka Jabuuti oo ka digay burbur ku yimaada ujeedadii loo aasaasay Isbaheysiga.

Isb. garabka Djibouti

Halkaan ka akhri

Xubin ka tirsan garabka Jabuuti ee Isbaheysiga dib u Xoreynta Soomaaliya, Axmed Diiriye oo idaacadaha madaxa bannaan ee Nuqdisho uga war bixiyey kulan ay xubnahooda ku yeesheen magaalada Djibouti ayaa baaq u jeediyey xubnaha kale ee ku sugan caasimadda wadanka Eritrea ee Asmara.

Axmed Diiriye ayaa ugu baaqay garabka Isbaheysiga ee Asmara jooga in ay joojiyaan waxyaabaha keeni kara qilaafka isla markaana ay ka shaqeeyaan sidii dalka loogu soo dabaali lahaa xasilooni iyo kala dambeyn.

Qarabka Jabuuti ee isbaheysiga dib u xoreynta ayaa ka digay bur bur ku yimaada ujeedada markii hore loo aas aasay Isbaheysiga, waxaana uu mar kale ku baaqay in danta gaar ahaaneyd laga hormariyo mida guud.

Isbaheysiga dib xoreynta ayaa waxaa uu ku celiyey in ay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan gudaha Soomaaliya ciidamada gumeysiga Ethiopia, isla markaana aysan joojin doonin illaa ay ka saaraan Ethiopian-ka, sida ku xusan war saxaafadeed laga soo saaray kulan ay xubnahaasi shalay ku yeesheen waadanka Jabuuti.

Warkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu socdo dadaalo lagu doonayo in lagu dhameeyo qilaafka soo kala dhex galay xubnaha Isbaheysiga dib u Xoreynta oo labo garab u kala jabay.

SomaliSwiss Jabuuti

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: