Golaha ku dhaqanka Shareecada Islaamka:- Warsaxaafadeed ku Saabsan Khilaafka Isbaheysiga iyo Arimo kale.

War Saxaafadeed

Halkaan ka akhri

Golaha ku dhaqanka shareecada islaamka ee beesha daarood, oo warsaxaafadeed maanta ka soo saarey xasiifkooda magaalada muqdisho ayaa uga Hadley arimo uu ka mid yahey khilaafka isbaheysiga, waxa uuna u qornaa warsaxaafadeedku sedan:-

WARSAXAAFADEED Ref: – GGDHSHIBD/006/July/08 Date: – 27/07/2008 — 24 Rajab 1429 Kal fadhigii Labaad ee uu yeeshay Golaha Guurtida ku Dhaqanka Shareecada Islaamka ee Beelaha Daarood oo dhacay 26/07/2008,

ka dib markii uu Goluhu arkay Xaalada uu Dalku ku marayo Dood dheer ka dib Goluhu wuxuu isla gartay qodobadaan hoos ku qoran:-

1) Goluhu wuxuu Taageerayaa Halganka Hubaysan iyo kan Siyaasiga ah ee lagaga soo horjeedo Cadowga Soomaaliyeed Gudaha iyo Dibadaba.

2) Goluhu wuxuu dhiirri galinayaa Xoogagga hubaysan ee u taagan Difaaca Diinta iyo Dalka, wuxuuna u soo jeedinayaa inaysan niyad jabin kuna dadaalaan midnimadooda (ولا تنازعوا فتفشلو وتذهب ريحكم)

3) Goluhu wuxuu aad iyo aad uga xunyahay Khilaafaadka soo kala dhex galay Isbahaysiga dib u Xoreynta Soomaaliya, waxaanan kula talinaynaa:-Ø in ay Khilaafaadkooda ku xaliyaan Kitaabka Alle (SW) iyo Sunada Nabiga (SCW)Ø in aanay Niyad Jebin Ummadda Soomaaliyeed ee Halganka ku jirtaØ inay isku tanaasulaan iyaga oo ilaalinaya Midnimada Ummadda Soomaaliyeed iyo Danteeda.

واعتصموابحبل الله جميعا ولا تفرقوا واذكروا نعمة الله عليكم اذ كنتم اعداء فألف بين قلوبكم فأصبحتم بنعمته إخوانا) 4) Goluhu wuxuu uga Tacsiyaynayaa Ummaddda Soomaaliyeed guud ahaan dhibaatooyinka uu u geysanayo Gumeysiga soo jireenka ah ee Itoobiya, illaahayna waxaan uga Baryaynaa Ummadda Soomaaliyeed in Midnimadeeda tuso, Towfiiqdana uu waafajiyo, kuna toosiyo Tubta Alle.kana dul qaado dhibaatooyinka ku habsadey.

CANBAAREYN Goluhu wuxuu Canbaareynayaan Falalka foosha xun ee ay Itoobiya ka waddo Dalka Soomaaliya, kuwaas oo isugu jira:- Gumaadka, Dhaca, Barakinta, Kufsiga IWM, kuwaas oo ay ugu danbeeyeen Xasuuqa iyo Barakaca cusub ee ka socda Gobolka Hiiraan gaar ahaan Degmada Baladweyne

 

وبالله التوفيق

SomaliSwiss Boosaaso

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: