Dowladda Spain oo sheegtay in ay ciidamo u dirayso Xeebaha dalka Soomaaliya, si ay Burcad Badeeda ula dagaalamaan.

https://i0.wp.com/lughaya.com/lug/wp-content/uploads/2008/04/maraakiib-dagaal.jpg

Maraakiib dagaal

Halkaan ka akhri

Wasiiradda difaaca ee dalka Spain Carme Chacon ayaa shaacisay Maanta in dowladeedu ay wado diridda ciidamo jinsiyadahoodu kala duwan yihiin oo si deg deg ah uga hawlgala biyaha badda Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Burcad badeeda ka qawlaysata xeebaha dalka Soomaaliya.

Wasiiradda ayaa Wargays lagu magacaabo El Pais oo ka soo baxa dalkeeda ku tiri ” Spain waxay diyaar u tahay in ay ka shaqayso diritanka ciidamo Badeed oo ka kala socda Dalal kala duwan kuwaas oo loo dirayo Biyaha soomaaliya si ay ula dagaalamaan Burcadda”.

Carme Chacon ayaa intaa ku dartay ” waxaan doonaynaa in hawlgalka Ciidamada uu ku dhaco sida ugu dhaqsaha badan maxaa yeelay waxaa soo dhaw xilligii kaluumaysiga” waxaana xeebaha Soomaaliya si aad ah uga kaluumaysata doonyo laga leeyahay dalka Spain iyo dalalka Yurub oo dhan.

Wasiiradda Gaashaandhigga Dalka Spain aya shaaca ka qaaday in dalkeedu ay arrimahaas kala shaqaynayso dalka Faransiiska ayna u sii marayaan Midawga Yurub oo ku qasbay Q.M in ay qaadato qaraar ogolaanaya in ay biyaha Soomaaliya sidii ay raban uga hawlgali karaan quwadaha shisheeye.

France iyo Spain ayaa shaaca ka qaaday bishii June ee la soo dhaafay in ay aad u danaynayaan dejinta Qorshe ku salaysan iskaashi milatery oo ka kooban cirka iyo badda kaas oo si deg deg ah uga dhaqan gala Xeebaha Soomaaliya.

Qorshahan ayaa daba jooga qaraar tiradiisu tahay 1816 kaas oo ka soo baxay golaha amaanka Q.M 2-dii bishii June 2008 kaas oo fasax u siiyay quwadaha shisheeye in ay ciidamadooda u diraan xeebaha Badda Soomaaliya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: