C/Raxiin Ciise Cadow oo ka warbixiyay Madaafiic Janta Kundishe iyo Garoonka Baladweyne lagu garaacey.

Mag. Baladweyne

Halkaan ka akhri

Madaafiicda Hoobiyaha, ayaa siyaabo kala duwan Xoogaga Mujaahisiinta Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed ee ka howla gala Gobolka Hiiraan waxa ay ula beegsadeen Garoonka Magaalada Baladweyne iyo Janta Kundisho oo fariisin ciidan u ah Ciidamada Gumeysiga Ethiopia.

Sida la xaqiijiyey 4 Madfac ayaa ku dhacdey Garoonka, kuwaas oo ay dhaawacyo ka soo gaareen qaar ka mid ah Ciidamada Maamulka Gobolka oo xilligaas ku sugnaa Garoonka Baladweyne.

Sidoo kale ilaa 10 Madfac ayaa ku dhacdey fariisimaha ay ku leeyihiin Janta Kundisho Ciidamada Gumeysiga Ethiopia, madaafiicdaasi oo la filayo in khasaare xoogan ay u geysteen Ciidamada Gumeysiga Ethiopia.

Wararkan ayaa saxaafada waxa u xaqiijiyey afhayeenka ciidanka Midowga Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed Sheikh C/raxiim Ciise Cadow oo sheegay in ay iyagu ka danbeeyaan weerarada kala duwan ee Madaafiicda ah ee Saaka lagu qaadey Garoonka Baladweyne iyo Janta Kundisho.

Kadib weerarka Madaafiicda ee lala beegsadey Garoonka Baladweyne, waxaa soo gaarey magaalada Baladweyne Ciidamo ka tirsan kuwa Gumeysiga Ethiopia oo ka soo kasoo cararay Janta Kundisho.

Weerarkan Xoogaga Mujaahidiinta Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed ay ku qaadeen Saaka Janta Kundisho iyo Garoonka Baladweyne ayuu ku macneeyay C/raxiim Ciise Cadow mid ay ku doonayaan in ay ku wiiqaan awooda Cadowga Ummada Soomaaliyeed ee dhulkooda ku soo duuley, sida uu hadalka u dhigey.

SomaliSwiss Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: