Advertisements

Sheikh Xuseen Gaagaale oo ka warbixiyay khasaarihii dagaal ee labadii maalin ee lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Baladweyne.

Maxkaakiimta Baladweyne

Halkaan ka akhri

Sheikh Xuseen Gaagaale oo kamid ah Saraakiisha Midowga Maxaakiimta Islaamka ee ku sugan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ka warbixiyay dagaal labo maalin ka socday magaalada Baladweyne.

Saraakiisha Maxkamadaha Islaamka ayaa intaasi ku daray in aysan ciidamadooda ka saari doonin gudaha magaalada Baladweyne illaa ay ciidamada gumeysiga Ethiopia ay xoog uga saaraan magaalada.

Sarkaal sare oo lagu magacaabo Sheikh Xuseen Gaagaale oo ka tirsan ciidamada Maxkamadaha ee ka howl gala magaalada Gobolka Hiiraan ayaa wareysi siiyay Idaacadaha madaxa bannaan ee magaalada Muqdisho.

Sheikh Xuseen Gaagaale ayaa shaaca ka qaaday inta ay iyagu indhahooda ku arkeen ama loo soo sheegay ay kor u dhaafayaan 21 qofood oo shibil ahaa kuwaasi oo dhamaantood sababsaday dagaalkii dabayaaqadii isbuucaan ka qarxay magaalada Baladweyne, shacabkaas oo ku xasuuqmay madaafiicdii ciidamada gumeysiga Ethiopia ladheceen xaafadaha magaalada Baladweyne.

Sheikh Xuseen Gaagaale “Cadow kulama gorgortami doono dhulkeena, waana la dagaalami doonaa ilaa iyo inta aynu guud ahaan ka saareyno gobolka Hiiraan Ethiopianka duulaanka ah,” ayuu yiri Sheikh Xuseen Gaagaale.

Dagaalka ka dhacay magaalada Baladweyne iyo madaafiicda ay ladheceen ciidamada gumeysiga xaafadaha dadka rayidka ah ayaa waxaa ku barakacay boqolaal qoys.

Wararka ugu dambeeya ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weli kulamo ay u soconayaan saraakiisha ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo Odayaasha qaar kamid ah ee magaalada Baladweyne.

SomaliSwiss Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: