Advertisements

Sheikh Xasan Daahir Aweys oo digniin u Jeediyay Qaramada Midoobay iyo dowladda Mareykanka.

Sheikh Xasan Daahir

Halkaan ka akhri

Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Asmara Sheikh Xasan Daahir Aweys ayaa digniin ku bixiyay in Ciidamada ka socda qaramada Midoobay ee la iclaamiyay in Soomaaliya loo soo dirayo ay wajihi doonaan dagaal hadii ay taageero siiyaan dowladda KMG iyo Ciidamada gumeysiga Ethiopia ee kusugan Soomaaliya.

Sheikh Xasan Daahir oo ka mid ahaa hogaamiyaasha sar sare ee midowgii Maxkamadaha Islaamka ayaa sheegay in dagaal, ay la galayaan hadii Ciidamo ka socda UN-ka Soomaaliya la geeyo ay ku xiran tahay sida ay ula saftaan dowladda KMG,

“Dagaal aan la galno Ciidamada UN-ka waxay ku xiran tahay sida ay u dhaqmaan marka ay Soomaaliya yimaadaan”ayuu yiri Sheikh Xasan Daahir.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo dabayaaqadii todobaadkii hore shir ka yeeshay Arrimaha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay ka fiirsanayaan Ciidamo UN-ka ka socda oo loo dirayo Soomaaliya kuwaasi oo bedeli doona ciidamada gumeysiga Ethiopia oo qaar ka mid ah dadka Somaalidu ay rumeysan yihiin inay caqabad ku yihiin xasiloonida dalkooda.

Sheikh Xasan Daahir oo isagoo ku sugan Magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea u waramayay Wakaaladda Wararka AP ee ka soo baxda dalka mareykanka, ayaa waxa uu gaashaanka ku dhuftay eedeymo ay Mareykanka iyo Qaramada Midoobay u jeediyeen oo ah in isagu uu xiriir la leeyahay Ururro Argagixiso ah.

Dhanka kale Jendayi Frazer oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Mareykanka u qaabilsan Africa, ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya oo ay siisay BBC-da, waxay inta badan kaga hadashay arrimaha Somalia.

Su’aalihii lagu waydiiyay Jendayi Frazer wareysigaa waxa ka mid ahaa sida ugu haboon ee Mareykanku kaga saari karo liiska waxa loogu yeero argagixisada Sheikh Xasan Daahir Aweys, Waxayna ku jawaabtay jendayi Frazer “Sheikh Xasan Daahir Aweys, haddii uu rabo in liiska Argagixisada laga saaro, waa inuu ku soo biiraa hannaanka Siyaasadeed, waana inuu qayb ka ahaadaa wada hadal aan fowdo iyo xoog ku saleysneyn.

Afhayeenad ka tirsan wasaaradda arrima dibada Mareykanka oo la yiraahdo Nicols Thompson ayaa sheegtay inaysan u arkin sharci sax ah in sheikh Xasan Daahir uu yahay hogaamiyaha ururka dib u xoreynta Soomaaliya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: