Magaalada Muqdisho oo Saakay ku waaberiisatay iska hor’imaad xooggan oo waqti gaaban ka dhacay Nawaaxiga 4Km.

Wadada Km4

Halkaan ka akhri

6dii aroornimo ee Saakay ayaa waxa uu iska hor’imaad waqti gaaban ah ku dhex maray wadada KM4 iyo nawaaxigeeda ee Magaalada Muqdisho Mujaahidiinta Soomaaliyeed iyo ciidamada Gumeysiga Ethiopia oo ay la socdaan Ciidama ku sheega dowladda KMG ah oo daba dhilifka u ah. 

Hae ahaatee wararku ayaa sheegaya in iska hor’imaadkan la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan qoryaha dhashiikayaasha iyo kuwa kale ee sida daran dooriga u dhaca. 

Balse israsaaseyntan ayaa sababtay inuu joogsado dhaq-dhaqaaqii oo ilaa iyo hadda ciriiri galo isku socodkii gaadiidka iyo dadweynaha iyo waliba howlihii ganacsiga. 

Sida lagu soo warramay Gaadiidka BL-ka ah ayaa isticmaalaya wadooyin qarda jeex ah oo ay uga wareegayaan goobaha uu iska hor’imaadku ka dhacay. 

Hase yeeshee lama garanayo ilaa iyo hadda ujeedooyinka rasmiga ah ee ay ciidamada Gumeysiga Ethiopia iyo kuwa la shaqeeya ay iskugu fidiyeen wadada KM4 iyo nawaaxigeeda, balse arintan ayay inta badan ku dhaqaaqaan ciidamadu marka ay Dalka ka dhoofayaan ama imaanayaan xubno ka mid ah Dowladda KMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Ethiopia. 

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: