Advertisements

Kalfadhigii golaha dhexe isbahaysiga dib u Xoreynta Soomaaliya oo maanta la soo gabagabeeyey iyo Sheikh Shariif oo Cambaareeyay Ciidamada Gumeysiga Ethiopia.

Sheikh Shariif Sheikh

Halkaan ka akhri

Sheikh.Shariif Sheikh.Axmed oo maanata hadal ka jeediyay gabagabadii kalfadhiga Golaha Dhexe ee Isbahaysiga ee uga soconayay magaalada Jabuuti ayaa wuxuu ciidamada Ethiopia ku eedeeeyay in ay dhibaatooyin hor leh ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed. 

Guddoomiyuhu ayaa ku eedeeeyay ciidamada gumaysiga Ethiopia in ay fafal aad u foolxun ka gaysteen gobolka Hiiraan gaar ahaan Magaala madaxda gobolkaas ee Beledweyne, hase yeeshee  wuxuu Beesha caalamka ugu baaqay in ay keenaan Giidamadii badbaadin lahaa umadda Soomaaliyeed ee badali lahaa ciidamada gumaysiga Ethiopia oo dhib xoog leh ku hayo Shacabka Soomaaliyeed. 

Gudoomiyaha Isbahaysiga Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa sidoo kale ku nuux nuuxsaday in ay ka go’antahay sidii looga miro dhalin lahaa heshiiskii Jabuuti ay kula galeen Dawladda KMG ah ee la shaqaysa gumaysiga Ethiopia wuxuuna shirkaas ku tilmaamay fursad Qaali ah oo ay heleen Shacabka Soomaaliyeed, balse wuxuu intaa ku daray in ay dabo socon doonaan Geedi Socodka Nabadeda ee qaybtiisii hore lagu soo afmeeray Dalka Jibuuti. 

Hase ahaatee Sheikh Shariif ayaa Isbahaysiga Dib u xoraynta ugu Baaqay in aysan Qayb ka qaadan Burburka ku dhacay Dalka Soomaaliya wuxuuna ku taliyay in loo naxo dadka Soomaaliyeed ee ku dacdaraysan xeryaha qaxootiyada iyo kuwa kale ee dhibaatooyinku ka soo gaaraan Tahriibka. 

Si kasta ha ahaatee Kalfadhiga Golaha dhexe ee isbahaysiga oo maanta lagu soo gabagabeeyey Magaalada Jabuuti ayaa waxaa ka soo qayb galay Safiiro matalayay Dalalka Caalamka iyo wakiil ka socday Q.M waxaana sidoo kale goobta soo xaadiray xubno badan oo ka tirsan Golaha dhexe ee Isbahaysiga Dib u xoraynta Soomaaliya. 

Gunaanudkii iyo Gabagabadii kulanka ayaa waxaa laga so saaray Baaq ka kooban dhawr Qodob kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:

– In lagarab istaago Muqaawamada halganka kula jirta ciidamada gumaysiga Itoobiya,

– In la taageero geedi socodka nabadda ee ay garwadeenka ka tahay Q.M,

-In aan dhag jalaq loosiin waxyaabaha aan la jaanqaadi karin Waaqica isla markaana aan sal ku lahayn shareecada Islaamka.

SomaliSwiss Jabuuti

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: