Advertisements

Ahmedou Ould:- Sheikh Shariif waa Hogaamiyaha Sharciga ah ee loo yaqaano hoggaanka Mucaaradka ee Ururka Isbahaysiga dib u Xoreynta Soomaaliya.

Ergeyga QM Soomaaliya

Halkaan ka akhri

Ahmadou Ould oo ah Ergayga Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Arimaha Soomaaliya ayaa gaashaanka u daruuray xil ka qaadista la sheegay ee lagu sameeyay Sheikh Shariif sheikh Axmed, isagoo sheegay in magacaabidda Sheikh Xasan Daahir Aweys oo loo magacaabay Jagada gudoomiyanimada Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ay tahay wax kama jiraan. 
 
Hadalka ka soo yeeray Ahmedou Ouald ayaa soo baxay shalay oo Jimcaha ahayd, mar uu la kulmay koox wariyayaal ah isagoo jooga Xarunta Q.M ee New York ,wuxuuna sheegay in aan Sheikh Xasan Daahir Aweys la dooran, balse wuxuu  difaacay Jagada Gudoomiyanimo ee Sheikh Shariif wuxuuna yiri“ Sheikh Shariif wali waa Hogaamiyaha la yaqaano ee Sharciga ah ee Isbahaysiga hogaaminaya” .
 
Ergeyga Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay suuro gal ah tahay in sheegashada Aweys ay qeyb ka noqoto dagaalka dhinaca Warbaahinta Gudaha ee u dhaxeeya isaga iyo garabka kale ee ka wada tirsan Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya oo ah isbahaysi ay u dhan yihiin Soomaalida, Sheekh Xasan ma haysto Taageerada xubnaha Golaha Dhexe ee Isbahaysiga.
 
Si kasta ha ahaatee arrintan ayaa la sheegay inay ku soo aaday iyadoo gudigii dhex dhexaadinta shirkii sanca ay sheegeen in ay wadaan dadaalo la iskugu keenayo sheekh Xasan Daahir aweys iyo sheekh Shariif sheekh axmed. 
 
SomaliSwiss  New York
SomaliSwiss@hotmail.com
Advertisements
%d bloggers like this: