Safiirka Maraykanka u fadhiya Q.M Zalmay Khalilzad oo soo dhaweeyay Heshiiskii Djibouti & ka bixitanka ciidamada gumeysiga Ethiopia ee dalka Somalia.

Mr. Zalmay Khalilzad

Halkaan ka akhri

Safiirka Maraykanka u fadhiya Q.M Zalmay Khalilzad ayaa soo dhaweeyay heshiiskii Djibouti ee ay wada gaareen xubno ka mid ah Isbahaysiga dib u Xoreynta iyo dowladda KMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Ethiopia.

Zalmay Khalilzad wuxuu ugu baaqay dhinacyada Soomaalida in xabada la joojiyo si ayuu yiri ciidamada Gumeysiga Ethiopia ay ku baxaan 3 bilood gudahooda, isla markaana la keeno ciidamo hoos taga Q.M.

Safiirka ayaa wal-wal iyo walaac ka muujiyay xaalada amaan daro ee kataagan wadanka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in bixitaanka ciidamada Gumeysiga Ethiopia ka hor inta aan la keenin ciidamo caalami ah aysan ka qeyb qaadan doonin in la xaqiijiyo deganaansho, waxayna Soomaaliya noqonaysaa ayuu yiri meel bahal galeen ah.

Golaha Amaanka ee Q.M ayaa shalay yeeshay kalfadhi ay al-baabadu u xiranyihiin ka dib markii ay warbixin 18 bog ka kooban ka dhageysteen u qaabilsanaha xoghayaha guud ee Q.M Arimaha Soomaaliya Ahmed Ould Abdala, kaas oo aan illaa iyo hadda la sheegi karin waxa ka soo baxay.

Hadalkii uu ka horjeediyay Ahmedou Ould Abdala Golaha amaanka ayaa waxaa uu ugu baaqay xoghayaha guud ee Q,M iyo Beesha Caalamkaba in ay si deg deg ah u dhaqan galiyaan una maal galiyaan heshiiskii Djibouti, waxaana uu yiri “in la iska dhago tiro Soomaaliya waxay halis galinaysaa nabad galyada Caalamka oo dhan” waa sida uu hadalka u dhigaye.

Si kastaba ha ahaatee waxaa ay arintani ku soo beegmaysaa iyada oo Midowga Afrika ay shaaca ka qaadeen in ay Soomaaliya waxba ka qaban karin isla markaana ay dowladda KMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Ethiopia ay codsatay in ciidamo la keeno Soomaaliya taas oo dadka qaarkood ku sheegeen in ay tahay culeysyo Militari oo soo food saaray Ciidamada Gumeysiga Ethiopia ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: