Dowladda Mareykanka oo sheegtay in aysan u aqoonsaneyn Sheikh Xasan Daahir Aweys gudoomiyaha Isbaheysiga dib u Xoreynta.

https://i1.wp.com/www.state.gov/cms_images/Fraz0506.jpg

Miss Jendayi Frazer

Halkaan ka akhri

Haweeneyda ugu qeybsan arrimaha qaaradda Afrika dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay heshiiskii dhowaan lagu gaaray Jamhuuriyadda Jabuuti iyo waliba kala qeyb sanaanta Isbaheysiga dib u xoreynta ee magaalada Asmara lagu soo unkay oo iyagu labo qeyb u kala jabay.

Jendayi Frazer ayaa cadeysay in ay taageersan tahay Sheikh Shariif Sheikh Axmed garabka uu hogaamiyo ee ku sugan magaalada Djibouti kuwaas oo taageersan heshiiskii lagu gaaray dalka Djibouti.

“ma’ahan wax cusub oo Somalia caado ayey u tahay in ay mar walba kala qob qobnaato oo ay kala qeyb sanaato, wax kasta oo soo baxana ay ku kala qeybsamaan”.

Jendayi Frazer ayaa intaasi sii raacisay “muhiimaddu waxaa ay tahay Sheikh Xasan Daahir oo isagu sheeganaya in uu gudoomiye u yahay Isbaheysiga Asmara, balse taasi waxaa ay noqoneysaa mid aanu aqoonsaneyn oo wax kama jiraan ah”.

Jendayi Frazer “Marna ma aqoonsaneyno in ay Xisbiyo ama Ururada Soomaaliya madax kanoqdaan Xagjirrada xiriirka laleh Ururka Al-Qa’ida, Xassan Daahirna wuxuu inoogu jiraa liiska Shabakadda Al-Qa’ida”.

Jendayi Frazer ayaa sheegtay Siyaasiyiinta Odayaal dhaqameedka iyo Shacabka Soomaaliyeed inta badan in ay taageersan yihiin xubnaha Isbaheysiga dib u xoreynta ee ku sugan dalaka Djibouti iyo dadaalada dib u heshiisiineyd ee QM ay qeybta ka tahay.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: