Cali Jaamac Jangali oo Q.M kacodsaday in ay ogolaadaan in wadanka Soomaaliya la keeno ciidamo bedela kuwa Ethiopia.

Wasiirka A. Dibedda

Halkaan ka akhri

Wasiirka dowladda KMG ugu qaabilsan Arimaha Dibada Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa ka codsaday Golaha Amaanka ee Q.M in ay ogolaadaan in wadanka Soomaaliya la keeno ciidamo ka qeyb qaata ayuu yiri sugida amaanka wadanka oo uu ku sheegay in ay ka socdaan iska hor’imaadyo maalin walba ah, isaga oo carabka ku dhuftay in ay jiraan dowlado ogolaaday in ay ciidamadooda usoo diraan Soomaaliya.

Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa warkan sheegay kadib markii uu ka qeyb galay kalfadhi uu Golaha Ammaanku ka yeeshay xaaladda Soomaaliya, kalfdhigaas oo warbixin looga dhagaystay u qaabilsanaha xoghayaha guud ee QM Ban Ki-moon Arimaha Soomaaliya ahmed Ould Abdala taas oo uu kaga warbixiyay xaalada Soomaaliya ee dhinacyada Siyaasadda, Ammaanka, Xuquuqda Aadamaha iyo marxaladda gargaarka Bini’aadanimada.

Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa sheegay in uu codsaday in si deg deg ah ciidamo caalami ah loogu badalo ciidamada Gumeysiga Ethiopia, isaga oo rajo ka muujiyay in todobaadyada inagu soo fool leh uu filayo in si rasmi ah qalinka loogu duugo heshiis xabad joojin kaas oo ay dowladda KMG ah iyo Xubno ka mid ah Isbahaysigu ku gaareen 9kii Jun 2008 Dalka Djibouti.

Codsigan ayaa ku soo beegmaya iyada oo Midowga Afrika oo uu shaaca ka qaaday in uusan awood u lahayn in ay xaqiijiyaan deganaansho ka dhalata Soomaaliya, isla markaana ay ciidamada gumeysiga Ethiopiaa uga hartay mudadii ay dowladda KMG ahi kula heshiisay xubno ka mid ah Isbahaysiga inay uga baxayaan dalka Soomaaliya 120-kii bari oo ay 73 maalin oo kaliya kaga harsan tahay.

Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in xukuumada Ethiopia ay isku dhabar jabinayso sidii ay dowladda KMG ah iyo Midowga Afrikaba ugu qasbi lahayd in ay sameeyaan qeylo dhaan la xiriira sidii ciidamo badala loo keeni lahaa Soomaaliya oo ay ku cidlowday kadib markii mudo ka badan sanad la keeni waayay Soomaaliya ciidamo badala.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: