Afahayeenka Ciidamada MMIS C/raxim Cise Cadow oo ugu Baaqay Madaxda Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya in ay xaliyaan khilaafkooda.

Golaha Maxkamada Islaamka

Halkaan ka akhri

War uu saakay siiyey Saxaafadda magaalada Muqdisho Afahayeenka Ciidamada Midowga Maxkamadaha Islaamiga ee Soomaaliyeed C/raxiim Ciise Cadow ayaa wuxuu ugu Baaqay Madaxda Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya in ay xaliyaan khilaafka dhexdooda ka aloosan, isaga oo sheegay in Mujaahidiintu aysan Wakhtigan qaadi Karin khilaaf soo kala dhex gala madaxdooda kaas oo uu sheegay in uu dhabar jab ku yahay Jihaadka ay Mujaahidiintu ku jiraan.

 

Afhayeenku asagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri:“Madaxdeena waxaan u soo jeedinaynaa in illaahay iyo Rasuulkiisa (CSWS) ka baqaan, Muslimiinta hogaanka ka dhigatayna yeysan niyada, maskaxda iyo quluubta ka dhaawicin, maanta rajada ay ummaddeena leedahay waa islaamka, waa Cadaalada Islaamka, waa Maxkamadaha, waa Culimada Islaamka, ummadooda ha u tanaasuleen, hana isfahmeen.

Sheikh C/raxiim Ciise Cadow oo wajigiisa ka muuqatay markuu Baaqan jeedinayay Tiiraanyo iyo Murugo ayaa sidoo kale ugu Baaqay Ummadda Soomaaliyeed in ay xariga alle qabsadaan isla markaana ay u midoobaan cadowgooda ee aan ku tiirsanaano illaahay iyo Rasuulkiisa (CSWS).

Hase ahaatee Baaqa afahayeenka Ciidamada MMIS ayaa ku soo beegmaya iyada oo dhawaan Magaalada Asmara looga dhawaaqay in xilkii laga qaaday gudoomiyihii Gudiga fulinta Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya sheikh Shariif sheikh Axmed ka dib markii ay ku eedeeyeen in uu ka leexday siyaasadii Isbahaysiga. 

Si kasta ha ahaatee guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa gudaha jooga ayaa wal-wal iyo walaac ka muujiyay khilaafka u dhaxeeya Madaxda Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya ee sii xoogaysanaya kaasoo dhabar jab ku noqon kara Mujaahidiinta gudaha qaarkood halka Gumeysiga Ethiopia iyo kuwa la shaqeeyana ay u tahay guul u soo hoyatay mar haddii ay kala jabiyeen Mujaahidiintii oo marka hore mideysnaa. 

Hase yeeshee sida ay sheegayaan warar wali aan la shaacinin in ay jiraan qorshayaal lagu midaynayo garabyada Mujaahidiinta Soomaaliyeed kaasoo aan ilaa iyo hadda, noqon meel mar. 

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: