Qaar kamid ah xubnaha Baarlamaanka dowladda KMG oo Xukuumadda RW. Nuur Cadde ugu Baaqay in ay Iscasisho.

Baarlamaanka KMG

Halkaan ka akhri

Xubno ka tirsan Baarlamaanka dawladda KMG ah ee la shaqeysa gumaysiga Ethiopia ayaa maanta waxay xukuumadda Nuur Cadde ugu baaqeen in ay iscasisho maadaama ayey yiraahdeen waxba ka qaban wayday xaaladaha ka taagan dalka Soomaaliya.

Xubnaha ka hadley kulankii maanta Baarlamaanka KMG ah yeeshay ayaa Xukuumadda dowladda KMG ah ku eedeeyay in aysan waxba ka qaban hawlihii looga fadhiyay intii ay maamulka haysay waxayna ku eedeeeyeen wax qabad la’aan.

Cali C/llaahi oo ka mid ah xubnaha maanta soo jeediyay baaqan ayaa sheegay in ay ku baaqayaan iscasilaadda xukuumadda Nuur Cadde maadaama ay ku fashilantay wax ka qabashada dhibaatooyinka ka tagan dalka waxayna baarlamaanka ugu baaqeen in ay si dhab ah ula xisaab tamaan xukuumadda.

Waxaa jira mooshin laga dhex wado Baarlamaanka dowladda KMG ah ee la shaqeeya gumaysiga Ethiopia kaas oo ka dhan ah xukuumadda Nuur Cadde lana doonayo in lagu rido Xukuumadda taas oo ay ku eedeeyeen in ay ka gaabisay shaqadeedii, isla markaana waxay ku tilmaameen RW. Nuur Cadde in uu Baarlamaanaka baal maray hawlaha dib u heshiisiinta ee uu la galay Mucaaradka.

Hadalkan ka soo yeeray qaar ka mid ah Xubnaha Barlamaanka ee ku aadan Xukuumada Nuur Cadde ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan ay ansixiyeen heshiiskii xukuumadu dhawaan ku saxiixdey dalka Jabuuti, lamana oga ujeedada rasmiga ah ee ka dambeysa baaqan cusub ee loo jeedinayo xukuumada RW. Nuur Cade.

SomaliSwiss Baydhabo

 

%d bloggers like this: