Koox ka mid ah Afduubayaasha shaqaalaha Hay’adda UNHCR oo lagu haysto gudaha dalka soomaaliya oo weydiisteen in la siiyo Madax-furasho.

Madaxa Sare UNHCR

Halkaan ka akhri

War ka soo baxay Mas’uulka ugu Sareeya hay’adda Qaxootiga Adduunka (UNHCR)ayaa sheegaya inay gaashaanka ku dhufteen dalabaad ka yimid,kooxo afduub ku haysata madaxa hay’addaas ee magaalada Muqdisho Maxamed Xasan Keynaan,mas’uulka hay’addaas u qaabilsan Soomaaliya oo ku sugan magaalada Niarobi ee dalka Kenya ayaa sheegey inay marnaba oggolaaneynin in madaxfurasho ka bixiyaan qof u gargaaraya dadka Soomaaliyeed,mana dhigaayo buu yiri Sharciga Qaramada Midoobey,ayuu hadalka ku darey.

 

Warku wuxuu intaa raaciyey in Kooxo aan heybtooda la garaneynin ay la xiriirey madaxa hay’adda Qaxootiga caalamka ee Soomaaliya,iyagoo sheegtey inay doonayaan madax-furasho ay ku siidaayaan Kenynaan,iyagoo diidey inay sheegaan kooxda ay yihiin ama ay ka amarqaataan,sidoo kale kooxdan ayaa madaxfurasho kale ka dalbadey hay’adaha kale ee ay shaqaalahooda afduubka ku haystaan.

Balse inkastoo aan si rasmi ah looga war haynin kooxdan afduubeysa Shaqaalaha Samafaleyaasha ayaa haddana dad badani waxay tuhun ka qabaan,inay ka amar qaataan mid ka mid ah Mas’uuliyiinta Isbaheysiga Dib-u Xoreynta Soomaaliya oo ku sugan gudaha Soomaaliya.
Sida hay’addu ay sheegtay waxa afduub loo haystaa ku dhowaad 12-qofood oo ka tirsan shaqaalaha Samafaleyaasha Soomaaliya,kuwaas oo laga afduubey deegaanno kala gedisan,oo dhammaantooda ku yaalla gobollada Koonfurta Soomaaliya.
Hase ahaatee waxa soo ifbaxaya kooxaha ka dambeeya dilalka Shaqaalaha Samafalka iyo afduubkooda,iyadoo shacabka Sooomaaliyeed iyo beesha caalamkaba ay ku howlan yihiin sidii loo aqoonsan lahaa kooxdan iyo cidda ay ka amar qaataan Siyaasad ahaan iyo Militeri ahaan intaba.
 
Isha warka UNHCR Nairobi
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: