Allaha U Naraxiistee Waxaa Saacad ka hor ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho Al-Fanaan Cabdala Nuuradiin Axmed.

Marxuum C/lla Nuuradiin

Halkaan ka akhri

 Allaha U Naraxiistee Waxaa Saacad ka hor ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho Al-Fanaan Cabdala Nuuradiin Axmed oo ahaa fanaan caan ah Markii dambana ahaa wariye u Shaqayn jiray Idaacada Horn-afrik ee Magaalada Muqdisho.

Al-Fanaan C/dalla Nuuradiin Axmed ayaa Mudooyinkan ku Xanuunsanaa Magaalada Muqdisho caawa ayuu ku geeriyooday isla Magaalada Muqdisho.

Cabdalla Nuuradiin waxaa uu kamid ahaa Fanaaniintii aan ka bixi Dalka Soomaaliya tan iyo markii ay dhacaday Dowladii Dhexe ee Allaha u Naxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre 1991-dii.

Erayada Jaceylka ee lagu yaqaan Al-Fannaan C/dalla Nuuradiin halkan kadaawo qeyb kamid ah.

Al-Fannaan Cabdalla Nuuradiin

Marxuumka ayaa waxaa lagu xasuustaa Ruwaayado badan oo ay kamid ahayd Ruwaayadii Shan iyo tobankii Shumeey waxa uuna ahaa aktarkii ama Mu’alifkii ugu waynaa waxa uuna ka mid ahaa Jilayaashii ugu Caansanaa Ruwaayadaasi sida C/qaadir Cismaan calasoow.

Fannaanka ayaa lagu xasuustaa geeraarkii Jaceylka ahaa

Nimuu Caashaq Dhiibay baan ahay

oo Ciilan Weligiiye Anoo Caruuruu igalay

Cudurka Sheydaane Culeys buu isaaray

Iyo Xanuun Caadiyoon Bi’ine

Cabsi kama qabeyn Maalmuhuu igu Cusboonaaye

Cid umbaa daweyn baan is iri Ciirsi kuu baxa’e

Cashar ii qora aan lahaa Culuma duubweyne

Ceesaama Qowracay…………

Allaha u Naxariisto

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: