Madaxa Warfaafinta ee Isbaheysiga Dib u Xoreynta Saleebaan Colaad Rooble oo ka jawaabay hadal ka soo yeeray Isbahaysi garabka Asmara.

Afhayeenka Isbahaysiga

Halkaan ka akhri

Madaxa Warfaafinta ee Isbaheysiga Dib u Xoreynta ee ku shirsan magaalada Jabuuti Saleebaan Colaad Rooble ayaa warbaahinta u sheegay in Xubnaha ku sugan Asmara ay yihiin kuwo aad u tiro yar, isla markaana dhamaan Isbaheysigii oo idil ay wada joogaan Magaalada Jabuuti.

Garabka Jabuuti ee Isbaheysiga Dib u Xoreynta ayaa si kulul uga jawaabay hadal ka soo gaaray garabka Asmara, kaasi oo ahaa in saacadaha soo socda ay ku dhawaaqi doonaan Hogaan Cusub oo uu yeesho Isbaheysiga.Balse Afhayeen  Saleebaan Colaad ayaa waxa uu sheegay in aanay jirin sharci ay ku dooran karaan Gudoomiye cusub, isagoo sheegay in tirada joogta Asmara ay yihiin 25xubnood.

Colaad ayaa wuxuu Warbaahintu weydiiyey su’aashan;“Waxaan idin weydiinayaa 25xubnood wax ma magacaabi karaan?, iyadoo la ogsoon yahay in dhamaan isbaheysiga ay wada joogaan dalka Jabuuti”, hase yeeshee wuxuu si kulul uga hadlay, warka ka soo yeeray Garabka Asmara jooga.

Si kasta ha ahaatee waxaa hadalladaas laga fahmayaa in wali mad madowga uu u dhaxeeyo dhinacyada u kala jabay Jabuuti iyo Asmara ee Isbaheysiga Dib u Xoreynta, balse waxaa muuqda in sii laba laabmayso dicaayadaha iyo wararka ay labada dhinac ay wadaan iyo dhaq dhaqaaqyadoodaba.

Sida muuqata kala jabka Isbaheysiga waxay guul weyn u tahay Dowladda KMG ah oo iyadu ka nasan la’ Mucaaradnimada iyo jalaafooyinka ay maleegayaan Kooxaha ku kacsan, mar hadii kooxihii dowladda iyo gumeysiga Ethiopia ka soo horjeeday ay siyaasad ahaan isu khilaafsan yihiin, waxay taa u aragtaa inay ku guuleysatay Siyaasaddeeda.

SomaliSwiss  Jabuuti

%d bloggers like this: