Maamulka Maxkamada Islaamiga oo ka dhaqan geliyey bandow ay ku soo rogeen magaalada Jowhar ee gobolka SH/Dhexe.

Magaalada Jowhar

Halkaan ka akhri

Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhaqan galay Bandow ay ku soo rogeen Maamulka Maxkamadaha Islaamiga ee Gobolkaas ka arrimaya.
Hase yeeshee bandowga oo ilaa iyo hada aan la ogeyn waqtiga uu dhamaanayo ayay saraakiisha Maxkamadaha ee ku sugan Jowhar ku sheegeen mid ay ku xaqiijinayaan dhinaca amaanka, kadib markii ay soo baxaan is bar bar yaac dhanka Ciidamadooda ah.

Balse dadka ku dhaqan Magaalada ayaa sheegaya in uu saameyn ku yeeshay bandowga howlihii ganacsiga ee Magaaladaas, iyadoona goobaha ganacsiga la xiro saacadu markey tahay 8:30 ka hor intaan la gaarin Xilliga Bandowga oo bilaabanaya 9-ka fiidnimo.

Si kasta ha ahaatee waxaa la arkayay Ciidamada Maxkamadaha oo ku hubeysan gawaarida dagaalka ay magaalada gaaf wareegaya, waxaana dadka ay cabsi ka muujinayaan dhaq-dhaqaaqyada aan horay loo arag ee ay Maxkamaduhu ka wadaan Magaalada Jowhar, inkastoo aanu jirin ilaa iyo hada gacan kula loolameysa Magaalada.

Waxaa Sidoo kale albaabada loo laabay Goobaha shineemooyinka ee lagu daawado aflaanta kala duwan, kadib markii Xoogag ka tirsan Maxkamadaha oo howl gal ay ku joojinayaan fiirsashada aflaanta ka sameeyeen Xaafadaha Magaalada.

Hase ahaatee ilaa iyo hada ma jirto cid loo qabtay Bandowga oo lagu sheegay in ay ku xad gudubtay, waxaana saraakiisha Maxkamadaha ay horay u sheegeen in sababaha ay bandowga usoo rogeen ay tahay in Magalaada ay ku arkeen Ciidamo isu ekeysiiya oo soo xirta Camaamado.

 

SomaliSwiss Jowhar

%d bloggers like this: