Xubnaha Isbahaysiga Dib u Xoreynta dhinaca Asmara oo shaaciyay in ay xilkii Gudoomiyenimo u doorteen Sheikh Xassan Daahir Aweys iyagoona xilkaasi ka qaaday Sheikh Shariif Sh. Axmed.

Madaxda labada Garab

Halkaan ka akhri

War goor dhoweyd ka soo baxay Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa sheegaya in Kulan ay yeesheen Xubnaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta Garabka Asmara ay kaga dhawaaqeen Hogaan Cusub oo uu yeesho Isbaheysiga.
Warkan oo lagu shaaciyey Tvga Al-Jezeera ayaa sheegaya in Xubnahaas ay Hogaan u magacaabeen Sheekh Xasan Dahir Aweys iyo Shariif Saalax, iyadoona labadan xubnood ay kala qabanayaan Jagooyinkii Labada Shariif ee haatan fadhigoodu yahay Magaalada Jabuuti.
Arrintan waxay si rasmi ah u cadeyneysaa in Xubnaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta uu Labo garab u kala jabay, taasoo maalmihii hore la sii sheegayay in Isbaheysiga uu kala jabay.
Si kasta ha ahaatee Xubnaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta garabka fariisinkiisu yahay Magaalada Jabuuti ayaa durba kulan deg deg ah isugu yimid, kadib markii galabta ay Garabka Asmara ay ku dhawaaqdeen Hogaan Cusub, xilalkiina ka qaadeen Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan.
Dad xoog ogaal ah oo ku sugan Dalka Jabuuti ayaa sheegaya in Labada Shariif iyo Xubno dhowr ah oo miisaan ku leh Isbaheysiga ay kulan ka leeyihiin xaalada xasaasiga ah ee soo korortay, taas oo ah magacaabitaanka Hogaanka Cusub ee Isbaheysiga.
Isbahaysiga garabka Jabuuti ayaa la filayaa in war murtiyeed ka soo saaraan ku dhawaaqitaanka Hogaanka cusub ee ay ku dhawaaqdeen Garabka Asmara, kaasoo xilalkii loogaga qaaday Labada Shariif oo markoodii hore lagu sheegay in ay baxsad yihiin.
Balse waxaa suura gal ah in qaadacaan Xubnahan ku sugan Jabuuti ee kal hore Dowladda Heshiiska la galay, waxaana sida la ogsoon yahay tiro ahaan Kooxda ku sugan Jabuuti yihiin kuwo ka badan oo ka tira badan Kooxda ku sugan Asmara.
Hase ahaatee waxaa la filayaa in goor dhow uu ka soo baxi doono warmurtiyadeed la xiriirta ku dhawaaqidda hoggaanka cusub ee isbahaysida garabka Asmara.
Gudoomiyaha Isbayhsiga Dib xoreynta Soomaaliyeed Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo ku sugan Magaalada Jabuuti oo la hadlayay daqiiqado kadib markii warkaan uu soo baxaty TV-ga Aljaziira ayaa sheegay in ay xubnahaas yihiin 24 islamarkaana ay sharci daro tahay waxa ay ku dhawaaqeen, xubno tiradaas la egna aysan xil ka qaadi karin cid kalana u dhiibi karin wuxuuna ku tilaamay in ay koox gaar ah maleegtay.  

SomaliSwiss Asmara  Jabuuti.
SomaliSwiss@hotmail.con
%d bloggers like this: