Abubakar Onyango oo u dhashay dalka Kenya oo sheegay in xalka laga gaarayo Soomaaliya uu qaadan doono Sanooyin badan.

Abubakar Onyango

Halkaan ka akhri

Haddii aannu nahay bahda SomaliSwiss waxaan jeclaysanay in aan idin soo gudbino wareysi uu la yeeshay Ibraahim Saalax oo ah Weriye  ka tirsan Shabakada SomaliTalk oo nin u dhashay dalka Kenya, lana yiraahdo magaciisa Abubakar Onyango oo waqti dhow ka soo laabtay dalka Soomaaliya, hase ahaatee Weriyuhu wuxuu ku billaabay sidatan:-

Haddaba, maadaama aan maalmahan booqasho ku joogo Nairobi, xarunta Dalka Kenya ayaa ii suurto gashay inaan la kulmo Abubakar Onyango oo u dhashay dalka Kenya, weliba qabiilka Jalwaha, si wacanna ugu hadla afka soomaaliga ayaa isagu ka soo laabtay muddo gaaban kahor dalka Soomaaliya.  

Dadyow badan ayaa ku jaha-wareersan colaadaha daba dheeraaday ee haysta dadka Soomaaliyeed iyo dalkii Soomaaliya, iyadoo marxaladdii ugu adkaydna ay waqtigan xaadirka ah ku jirto kadib markii Ciidamada Itoobiya ay si awood leh u soo gashay gudaha dalka, iyadoo una xoog-sheegatay maamulkii Maxkamadaha ee xilligaas maamulayay inta badan guud ahaan gobollada dalka. 

Mr Onyango oo wax ka badan afar sanno ku sugnaa dalka Soomaaliya ayaa iiga sheekeeyay sababaha uu ugu safray dalkaas dillooday colaadaha & dagaalada iyo wixii uu kala kulmay intii uu ku sugnaa meelihii uu tagay, wuxuuna isagoo arrintan ka hadlaya ku billaabay hadalkiisa sidatan:- 

 “markii hore waxaan Soomaaliya ugu kicitimay si fii-sabiilillaah ah, waxaan raacay jamaaco tabliiq ah oo u socday Soomaaliya, iyadoo howsheenana ahayd sidii dacwada islaamka ugu fidin lahayn walaalaha soomaaliyeed ee ku nool Soomaaliya” ayuu yiri Abubakar Onyango oo si wacan oo waadix ah ugu hadlayay afka soomaaliga intii aan la sheekeesanaynay, iyadoo su’aalihii aan weydiinayayna uu durbadiiba iga siinayay jawaabihii ku habboonaa. 

“waan jeclahay dadka soomaaliyeed. Waxay i bareen qiimaha deeqsiga uu leeyahay, waxaad soo galaysaa goob lagu cunteeyo oo dadkii badnaa ee cunteenayay uu hal nin uu ka bixinayo, iyadoo weliba ay dhici karto inayan dadkaasi is aqoonin” ayuu yiri mr Onyango oo furfurnaan iyo muusood weyn ay wejigiisa ka muuqatay markii aan la kulmayay, wuxuuna sii watay hadalkiisa isagoo markalena yiri “saan kuu sheegay dantaydii koowaad ee i gaysay Soomaaliya waxay ahayd dacwada islaamka, hase ahaatee markii danbe waxay isu rogtay annigoo macallin ka noqday dugsiyo kala duwan u ku kala yaala magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Beledweyne iyo Diinsoor” ayuu yiri Abubakar Onyango. 

“Marka laga reebo Gobollada Waqooyi Barri ee hadda la baxay Somaliland, waan tagay dhammaan gobollada kale ee Soomaaliya, waxaana marnaba hilmaami karin xaaladihii nabadeed iyo colaadeed ee aan la soo qaatay soomaalida. Waxaan indhaha saaray nin soomaaliyeed oo annigoo arkaya ay jirkiisa lagu tiriyay  7 xabbadood oo rasaas ah, uuna isla meeshiiba ku dhacay isagoo meyd ah. Waxay ahayd dareenkii iigu xanuunka badnaa intii aan ku sugnaa dalka Soomaaliya” ayuu yiri Abubakar Onyango isagoo la yaabban sababta keentay colaadda sidaa u fog ee dhextaala dadkan walaalaha ah. 

“Ardaydii soomaaliyeed ee aan u dhigayay maaddada english-ka waxay ahaayeen kuwo ku noolaa duruufo aad u adag, waxaa dhacaysay in ardaygii aan wax u dhigayay la dilo ama aabihiis ama hooyadiis, dadabeedna uu la qabsan waayo waxbarashada. Ama arday kale oo xaafaddii ay degganaayeen uu qabsado madfac weyn oo ay indhahooda ku arkaan meydad badan oo ku le’day madfacaas. Waa xaalad aad u qadhaadh oo lagu hareereeyay nasiib darro haysata ubadkaas aan waxna galabsan” ayuu yiri Onyango oo si weyn ugu faraxsanaa inuu Soomaaliya ka soo laabto isagoo nabdoon, isagoona xusay magaalooyinka ugu nabadgelyada xumaa ay ahaayeen Kismaayo iyo Muqdisho. 

“Asxaab badan oo u shaqeenayay hay’adaha samafalka kheyriga ayaa lagu dilay magaallada Kismaayo, ma jiraan sabab keenaysa dilka dadkaas u adeegaya walaalahooda, maxay kasbadeen oo u muteen in la si shirqool ahaan loo dilo” ayuu yiri Abubakar Onyango oo 30 jir ah soona islaamay sannadkii 1997-kii. 

“Nasiib wanaag wax dhibaato ah ima soo gaarin intii aan ku sugnaa Soomaaliya, hase ahaatee way jiraan dad qaarkood oo markii ay i arkaan i ororonayay taloow jareerkan muxuu halkan ka soo doonay iwm, dhaga-hadalkan annigu iguma ekeyn oo keliya oo xittaa dad kaloo soomaaliyeed oo ka soo jeeda gobollada shabeelooyinka ayaa ila wadaagay xantan iyo midab-takoorkan” ayuu yiri isagoo ii sheegay in soomaalidii uu la kulmayay badankood ay u haysteen inuusan ku hadlin afka soomaaliga. 

“Anniga aragtidayda waxay tahay in dadka soomaaliyeed ay un-sheegtaan islaamnimo, dabcan waa muslimiin, hase ahaatee aysan tixgelin siinin inay ku dhaqmaan diinta ay sheeganayaan. Waxaana u badinayaa inay sababteeda leedahay jaahilnimo weyn oo ay kaga sugan yihiin diinta macaan ee Islaamka, waana tan keentay ku camal-falka qabyaaladda iyo colaadda dhexdooda ah iyagoo leh hal diin, dhaqan, af iyo weliba isku midab ah” ayuu misna yiri Abubakar oo markii uu ii sheekeenayay aynu ku sugnayn maqaayad ku dhegan Masjidka weyn Sixth Street ee xaafadda Islii. 

“Ibrahimow ha iga fahmin qalad, markaan eegay tixgelinta weyn ee ay soomaalida siinayso qabyaaladda waxaa ii soo baxday in qaranimadii iyo dowladdii soomaaliyeed ay ku taallo meel u fog, waxaana aaminsanahay markay u yaraato inay qaadan karto 18 sanno kale oo hor leh” ayuu yiri Onyango oo intaas raaciyay inay habboon tahay inaan laga quusan naxariista Allaah

Ibraahim Saalax Aadan| Nairobi

(ibra88@hotmail.com)

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: