Magaalada Leicester ee dalka Ingriiska oo si Rasmi ugu billaabatay Ciyaarihii Eurosom.

Ciyaaraha EurSom 2008da

Daawo Sawiro kale

Halkaan ka akhri

Waxaa Shalay oo Axadda ahayd si rasmi ah ugu socotay  magaalada Leicester ee wadanka Ingiriiska qaybihii kala duwanaa ee ciyaarahii EuroSom.

 

Waxaa hadaba sida aan kor idiinku sheegnay dhacay ciyaaro kala duwan kuwii ugu xiisaha badnaa ayaa waxay ahaayeen kuwa kubadda cagta.

Hase ahaatee waxaa shalay, wada cayaaray afarkooxood oo isku qayb kuwada jiray kuwaas oo kala ahaa
Al-Hijra, Birmingham, Kanava, Gotenburg.

 

-Ciyaartii kowaad waxaa wada ciyaaray labada kooxood eek ala aha Al-Hijra iyo Birmingham, ciyaartan ayaa aheyd ciyaar aad u xiso badney oo dadbadana ay u oo daawasho tageen, ciyaartan ayaa wixii lays weeraraba gabagabaddii ku dhamaatay 4 gool oo ay guushii ku raacdey kooxda Birmingham, halka ay kooxda Al-Hijra ka dhaliyaaen 2 gool.

 

– Ciyaartii labaad waxaa ay dhexmartay labada kooxood eek ala ah Knava iyo Gotenburg ciyaartan ayaa aheyd mid kale oo aad u adkeyd, werar iyo weerar celis ka dib waxaa ay ciyaartaas ku dhamaatay 4 gool oo ay Kanava ku badisey, halka aya Gotenburg waxba la imaan.

Ciyaarahan ayaa u socdaan si wanaagsan, mar Saxaafadda ay wareysi la yeeshay Gudoomiyaha Gudiga Farsamada iyo Anshaxa Garsoore Moalin Muridi Zein oo la weydiiyey su;aalo ku saabsanaa xaga nidaamka garsooridda, wuxuu sheegay in Ciyaarahan EuroSom garsoorayaashooda ay yihiin kuwo ka yimid Xiriika kubadda cagta ee Ingiriiska (The FA), wuxuuna intaas raaciyey ee uu yiri “Maamulka ciyaarahan waxaa uu Qodobadiisa ku salaysan yahay kan FiFA .

 

Sidoo kale gudoomiyaha Gudiga qabanqaabada ciyaaraha EuroSom Leicester 2008 Mudane Saneey ayaa isagana sheegay ilaa iyo hadda ineysan jirin wax dhibaato ah, kuna faraxsan yahay sida sharafta leh e looga soo qayb galay ciyaarahan.
 SomaliSwiss  Leicester UK
SomaliSwiss@hotmail.com
%d bloggers like this: