Ciidamada Al-Shabaab oo xalay Saqdii dhexe weerar ku qaaday guri uu degganaa Ibraahim C/nuur oo ka tirsan Barlamaanka dowladda KMG ah

Magaalada Baydhabo

Halkaan ka akhri

Ciidanada  Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa waxay xalay saqdii dhexe weerar qorshaysan ku qaadeen guri uu degganaa  Ibraahim C/nuur.oo ah xubin ka tirsan Baarlamaanka Dowladda KMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Ethiopia ee ku yaalla magaalada Baydhabo xarunta gobolka Bay.

Balse waxaa la sheegay inuu weerarkan  socday mudo 30 daqiiqo ah ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan lamana soo sheegin ilaa iyo imminka khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay. 

Hase ahaatee dagaalkan ayaa ka dhacay xaafada Mursal ee ka tirsan xaafadaha magaalada Baydhabo , waxaana la sheegay in uu ku geeriyooday Hal qof mid kalana waa ku dhaawacmay. 

Dagaalkan oo si toos ah u dhex maray Mujaahidiinta al-shabaab iyo ilaalada xildhibaanka baarlamaanka Dowladda KMG ah, ayaa waxa la sheegayaa in istaagay ka dib markii ay Al-shabaab isaga baxeen gudaha magaalada Baydhabo. 

Hase yeeshee ma aha markii ugu horeysay oo weerar noocan oo kale ah lagu qaado guryo ay deggan yihiin xubno ka mid ah Dowladda KMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Ethiopia, waxayna magaalada Baydhabo xiligani u muuqataa mid ammaankeeda aad u xun yahay, sida magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss    Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: