Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG ah oo xalay lagu khaarjiyey degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho.

Askari la dilay

Halkaan ka akhri

Waxaa xalay fiidkii lagu dilay xaafada Ajabka degmada dharkaynleey ee magaalada Muqdisho askari ka mid ah Dowladda KMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Ethiopia.

Sida ay ku soo warrameen dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in 4 dhalinyaro ah oo ku hubaysan Bastoolado ay toogteen askarigaasi ka dibna ay mudo yar isaga baxsadeen goobtii uu dilka ka dhacay. 

Hase ahaatee falka dilka ah ka dib ayaa waxa istaagay isu socodkii dadweynaha iyo gaadiidka iyo waliba dhaq-dhaqaaqii ganacsiga ee xaafadaas. 

Balse ilaa iyo hadda lama sheegi karo, cida rasmiga ah ee ka dambeysay falkaas, hase yeeshee waxay arintan ka mid tahay falalka amni daro ee maalinba maalinta ka danbeysa ku soo badanaya degmada dharkaynleey ee magaalada Muqdisho. 

Si kasta ha ahaatee dilalka loo geysanayo askarta Dowladda KMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Ethiopia ayaa bilahan danbe si xowli ah ugu soo badanaya degmooyinka kala duwan ee magaalada Muqdisho,balse lama oga waxa ay sameyn doonaan.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: