Sarkaal ka tirsanaan jiray dowladii Maxamed Siyaad Barre oo galabta lagu toogtay degmada Wanlaweyn ee Gobolka Sh/hoose.

Degmada Wanlaweyn

Halkaan ka akhri

War naga soo gaaray degmada Wanlaweyn ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay galabta degmada Wanlaweyn ku toogteen Sarkaal la sheegay in uu ka mid ahaa Saraakiishii dowladii Maxamed Siyaad Barre, iyadoo kooxaha dilka u geystayna ay baxsadeen.

Marxuumka ayaa lagu toogtay Xaafada Muuri ee degmada Wanlaweyn, Sarkaalkaasoo lagu magacaabi jiray Cali Muxudiin, iyadoo dilka Sarkaalkan ay fuliyeen rag ku hubeysnaa baastoolado halka tiradooduna lagu sheegay 2 nin.

Habeen hore ayaa rag hubeysan waxaa ay degmada Wanlaweyn ku toogteen sarkaal ka tirsanaa hay’adda Nabad Sugida ee dowlada KMG ah.

Waxaan illaa iyo hada la ogeyn shaqadiisa waxa ay aheyd Sarkaalkii galabta lagu toogtay degmad Wanlaweyn ee Gobolka Sh/hoose.

Majiro war ka soo baxay maamulka degmada Wanlaweyn oo ku aadan Sarkaalkii galabta lagu dilay degmadaasi iyadoo dilalkan ay noqonayaan kuwii ugu horeeyay ee ka dhaca degmada Wanlaweyn.

SomaliSwiss Daafeed

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: