Maleeshiyaadka dowladda KMG ah oo markii 3aad baaritaano iyo dhac ku sameeyay guriga Madaxweynihii hore Dr. C/Qaasim Salaad Xassan.

Dr. C/Qaasim Salaad

Halkaan ka akhri

Maleeshiyaadka dowladda KMG ah ayaa maanta mar kale baaritaano ku sameeyey guriga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho, Madaxweynii hore ee dowladdii TNG-da ee Somalia Dr. C/Qaasim Salaad Xassan.

Maleeshiyaadkan ayaa la sheegay sheegay in ay si xoog ah gudaha ku galeen guriga madaxweynihii dowladdii hore iyagoona handadaad kula kacay qaar ka mid ah ilaaladii ku sugneyd guriga Dr. C/Qaasim, sidaasna waxaa cadeeyay mid ka mid ah ilaalada.

Illaa iyo hada lama oga waxyaabaha dhabta ah ee ay Maleeshiyaadka dowladda kala baxeen guriga Dr. C/Qaasim Salaad iyo waliba sababta xilligan keentay in ay galaan gurigaasi.

Waa markii seddexaad oo Maleeshiyaadka dowladda KMG ah baaritaano ku sameeyaan guriga madaxweyhihii dowladdii hore ee TNG-da Dr. C/Qaasim Salaad, talaabadaasi oo ay ku sheegeen ehelada Dr. C/Qaasim mid xadgudub weyn ku ah dowladda KMG Maleeshiyaadkeeda waxa ay kula dhaqmeyso iyaga.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: