Madaafic Hoobiyayaal ah oo galabta Makhribkii lagu weeraray Warshadii hore ee Baastada oo fariisin u ah Ciidamada gumeysiga Ethiopia.

Magaalada Muqdisho

Halkaan ka akhri

Xoogaga Maxkamadaha ee ka soo horjeeda dowlada KMG iyo joogitaanka Ciidamada gumeysiga Ethiopia ayaa galabta madaafiic culculus waxa ay ku garaaceen fariisinka Ciidamada gumeysiga Ethiopia ay ku leeyihiin Warshadii hore ee Baastada.

Illaa iyo hadda lama oga Qasaaraha dhabta ah ee soo gaaray Ciidamada gumeysiga Ethiopia, waxaana dhawaqa madaafiicda laga maqlayay inta badan degmada Huruwaay iyo Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in galabta Madaafiic xoogan lagu weeraray fariisinka Ciidamada gumeysiga Ethiopia ee Warshadii hore ee Baastada.

Ciidamada gumeysiga Ethiopia ayaan wax jawaab ah ka bixin madaafiicda lagu garaacay fariisinkoodii ahaa Warshadii hore ee Baastada, iyadoo horay looga bartay markii xeryahooda laweeraro in ay xaafadaha dadka Shacabka ah Madaafiic uqeybiyaa.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: