Kalfadhigii labaad Golaha Dhexe ee Isbahaysiga Dib u Xoreynta oo ka furmay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Kalfadhigii Isbahaysiga

Halkaan ka akhri

Kalfadhigii labaad Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Dib u Xoreynta oo ka furmay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, waxaana la sheegay in Kooramkii ay ka soo qeyb galay uu dhammaa 106 xubnood waxaana kalfadhigan ka soo qayb galay dib lomaasiyiinta Beesha caalamka ka socotay.Warka naga soo gaaray Kal fadhiga Golaha Dhexe Isbaheysiga Dib u Xoreynta wuxuu ku furmay jawi wanaagsan, iyadoona Labada Sharuuf ay hormuud u ahaayeen Shirkaas oo maanta si rasmi ah uga furmay Dalka Jabuuti.

Hase ahaatee dhowr jeer ayaa la sheegay inuu shirkaas dib uga dhacay waqtigii loogu tala galay inuu qabsoomo, kadib markii uu buuxsami waayay kooramkii la rabay inuu ku furmo, waxaana maanta Khudbado qiimo badan ka jeediyay Gudoomiyaha Golaha Dhexe Shariif Xasan oo shir gudoominayay iyo Gudoomiyaha Gudiga Fulinta Isbaheysiga Dib u Xoreynta Sheekh Shariif.

Gudoomiyaha Golaha Dhexe ayaa ka hadlay furtitaanka shirkaas isagoona uga cudurdaartay dib u dhacyadii ku imaaday labadii jeer, wuxuu Xubnaha Golaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta hordhigay ajandayaasha loogaga doodayo Shirka , iyadoona laga sugayay in xubnahaas ay meel mariyaan heshiiskii Jabuuti lagu gaaray 9-kii June.

Waxaa kaloo Kulankaas ka hadlay Sheikh Shariif Sheekh Axmed oo ah Gudoomiyaha Golaha Fulinta ee Isbaheysiga Dib u xoreynta, wuxuuna isna sheegay in gebi ahaanba la xaliyay khilaafaadkii isbaheysiga, wuxuuna carabka ku adkeeyay in shirkii Sanca ee lagu dhex dhexaadinayay Isbaheysigooda uu guul ku dhamaaday.

Kal fadhigan ayaa ku soo aaday, xilli ay ka maqan yihiin Sheikh Xasan Dahir Aweys, Xuseen Ceydiid iyo Zakariye Xaaji Maxamuud, kuwaasoo horay u saluugsanaa heshiiskii Jabuuti, waxayna dhankooda wadaan kulamo isbaheysiga dhexdiisa ah.

 SomaliSwiss  Jabuuti

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: