Gudoomiyaha Isbeheesiga dib u xoreeynta Dalka Soomaaliya Sheikh Shariif oo ka hadlay heshiiskii ka soo baxay shirkii dalka Yemen ee dhinacayada Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed ee khilaaf ka dhexeeyey.

Sheikh Shariif Sheikh

Halkaan ka akhri

Sheikh Shariif shiikh Axmed oo imminka ku sugan dalka Jabuuti ayaa maanta ka hadlay qodobadii ay ku heshiiyeen dhinacyadii maxaakiimta oo shirkoodushalay lagu soo gabababeeyey magaalada Sanca ee Dalka Yemen.

Sheikha ayaa sheegay in shirakaas uu ku soo dhamaaday guul, meesha ka saareen qilaafkii u dhexeeyay maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed isla markaana ay isla afgarteen qodobadii ay ka wada hadleen.

Hase ahaatee Wuxuu Guddoomiyuhu sheegay in ay gudi ka kooban 13 xubnood u saareen kuwaasi oo loo saaray in ay xukun ka gaaraan arinta la xiriirta keenista dalka Soomaaliya ciidamo ka socda dalalka Islaamka kuwaasi oo loo arko in ay ka dhibaato yaryihiin ciidamada Ethiopia waxaana uu sheegay in ciidamada Ethiopia ay dalka u yimaadeen gumeeysi hase ahaateen ciidamada ka socda wadamada Islaamka aysan u socon gumeesi sida uu shiikh warka u dhigay.

Sheikh Shariif oo ka hadlayey qodobadaShirka Sanca ayaa wuxuu caddeeyey in lagu lafaguray waxaa ka mid ahaa sidii ciidamada Ethiopia ay ugu bixi lahaayeen dalka Soomaaliya iyo qodobo kale oo si aad ah loogu kala aragti duwanaa, ugu danbeyntiina waxaa loo xil saaray gudi ka kooban 13 xubnood” ayuu yiri Shiikha.

Hase yeeshee Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen canbaareeynta Dagaalada iyo xabad joojinta iyo qodobo kale ay heshiis ka wada gaareen.

SomaliSwiss Sanca

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: