Shirkii magaalada Sanca uga socday labada garab ee Isbahaysiga dib u Xoreynta Soomaaliya oo la soo gaba gabeeyay, guulna ku dhammaaday

Isbahaysiga dib u Xoreynta

Halkaan ka akhri

Waxaa shalay galab lagu soo gaba gabeeyay magaalada Sanca ee dalka Yemen  wada hadalladii uga soconayay muddo labo todobaad ah Xubnaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta ee Labada Garab u kala jabay ayaa ugu dambeyntii xalay soo afjaray khilaafkooda.
Hase ahaatee garabyada isbaheysigaas ee horay u kala jabay Asmara iyo Jabuuti ayaa gaaray heshiis buuxa, kaasi oo ay kala saxiixeen dhinacyada kala hogaamineysay Labada dhinac, waxaana la sheegay in xubnahaas oo faraxsan, isla markaana garbaha is heysta xalay ka wada dhoofay Dalka Yemen.
Balse inkastoo aanay Saxaafada loo soo bandhigin, hadana labada dhinac ayaa sida la sheegay iska dhex xulay gudi saxaafada u soo bandhigo heshiiska labadaas dhinac ee ay wada gaareen.
Garabyada Labadaas dhinac heshiiska ku kala saxiixday Dalka Yemen ayaa waxaa kala hogaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo horkacayay Garabka Jabuuti iyo Dr. Cumar Iimaan Abuubakar oo garabka Asmara hogaaminayay, kaas oo ka wakiil ahaa Sheekh Xasan Dahir Aweys.
Hase yeeshee Xubnaha Isbaheysigaas ayaa xalay dib ugu laabtay Halkii ay horay ugu yimaadeen, waxaana xalay diyaarado kala duwan ay xubnahaas ka qaaday Dalka Yemen, kuwaasi oo ku sii jeeday Dalalka Eritrea iyo Jabuuti.
Sida muuqata xubnaha isugu wada tagay Jabuuti waa aas aasayaashii Maxkamadaha Islaamiga, kuwaasoo sida muuqatay isku khilaafay heshiiskii Jabuuti lagu saxiixday ee dhanka Sheekh Shariif hogaaminayay heshiiska saxiixay, halka Sheekh Xasan dahir oo ku sugnaa Asmara uu gebi ahaanba qaadacay Heshiiska waqtigaas la gaaray.
Dr Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah Maxkamadaha islaamka ee ka qeyb galay shirkii ka dhacay magaalada Sanca ee dalka Yemen oo isagoo ku sugan dalka Jabuuti ayaa wuxuu qaar ka mid ah warbaahinta Soomaaliya u sheegay in gudi loo xilsaaray oo ka soo arrimiyaan arrinta la xiriirta keenista Ciidamo Shisheeye,
hase yeeshee guddigaas ay isku waafaqeen in dalka Soomaaliya la keeno ciidamo ka socda wadamada Islaamka kuwaasibuu yiri in ay ka shar yar yihiin Ciidamada Ethiopia ee jooga dalka Soomaaliya.

Balse waxaa wali aan la ogeyn ilaa iyo hada sida ay ugu wada qanci karaan heshiiska, xilli dhinacyadaas shalay qado sharaf uu ugu sameeyay Magaalada Sanca ee Dalka Yemen Wasiirka Arrimaha Dibada Dalka Yemen Abuubakar Alqirbi.
 SomaliSwiss Sanca
SomaliSwiss@hotmail.com
%d bloggers like this: