Prof. Ibraahim Xassan Cadow ayaa kahadlay shirkii Madaxda Maxkamadaha Islaamka uga socday wadanka Yamen, iyo qodobo laga soo saaray heshiiska.

Prof. Ibrahim Xassan Cadow

Halkaan ka akhri

Halkaan ka dhageyso wareysiga Prof. Ibrahim Cadow ee BBCSomali 

Midowga Maxkamadaha Islaamiga oo in muddo ah ku shirsanaa dalka Yemen ayaa sheegay in ay ku heshiiyeen in la taageero heshiiskii Djibouti, balse wax laga beddelo.

Prof. Ibraahim Xassan Caddow oo u hadlayay Midowga Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed, ayaa BBC-da u sheegay in ay ku heshiiyeen afar qodob oo saldhig ah.

Prof. Ibraahim Xassan Cadow ayaa ku nuux nuuxsaday is uu shirkii uga socday Xubnaha Isbaheysiga wadanka Yamen in uu si fiican kusoo gaba gaboobay qudobana laga soo saaray, kuwaas oo kala ahaa.

1.    In la mideeyo Midowga Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed


2. In la xalliyo, oo lasoo afjaro khilaafkii ku kala dhex jiray Maxkamadaha.


3. In wax laga beddelo qaar kamid ah qoddobada iyo luqadda heshiiska Djibouti.


4. In dadaalka heshiiska loo gudbiyo heer Isbaheysi.


5. In si degdeg ah loo aasaaso guddi meel mariya qodobbada ay Maxkamaduhu ku heshiiyeen.

Prof. Ibraahim Xassan Caddow ayaa ka gaabsaday in uu faahfaahiyo qodobbada uu sheegay in ay codsan doonaan in wax laga beddelo.

Prof. Ibraahim Xassan Cadow ayaa waxaa uu qodobadaas uu ka Gaabsaday ku macneeyey inuu sabab u yahay in dhinacyadii kale ee ka tirsanaa heshiiska, sida Dowladda KMG iyo Qaramada Midoobay, ay doonayaan in ay marka hore ogeysiiyaan oo ay kala hadlaan.

SomaliSwiss sourse BBCSomali

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: