Galbeedka magaalada Kismayo oo ka dhacay dagaal aad u culus oo dhimasho iyo dhaawac keenay.

Magaalada Kismaayo

Halkaan ka akhri

Wararka ka imaanayo magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose ayaa sheegaya in maanta dagaal culu oo keenay khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa ilaa iyo shalay ka soconayaa Tuulooyinka Buriya iyo Baqdaad oo ku yaala Galbeedka Magaalada kismaayo ee gobolka J/hoose. 

Hase ahaatee dagaalkan ayaa la sheegay in ay ku dhinteed dad gaaraya ilaa 10 ruux waxaana ku dhaawacmay dad gaaraya 15 qof oo kale sida ay xaqiijiyeen odayaal ka soo jeeda deegaankaas. 

Dagaalkan ayaa la sheegay in uu dhex maraya maleeshiyo beeleedyo wada deggan deegaanadaas kuwaas oo horay ugu dagaalamay deegaanada galbeedka kismaayo, balse sida lagu soo warramay dagaalkan ayaa bilawday ka dib markii ay bur-burtay waan waan laga dhex waday 2-da beelood kaas oo mudooyinkii danbe ka soconayay degaanada ay wada degan beelahanu. 

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu gaystay khasaarada baaxad leh, kaasoo uu yimid kadib markii ay mid ka mid ah maleeshiyooyinku soo weerartay tuulada Buriya taas oo sababtay in goobta uu ka dhaco dagaal aad u xoogan oo keenay dhimasho iyo dhaawac. 

Si kasta ha ahaatee deegaanada Galbeedka Kismaayo ayaa waxaa ka bilawaday barakac xoogan oo ay dadka rayidka ahu uga baxsanayaan dirirta xoogan ee ka dhextaagan beelaha wada dega dhulkaas. 

Balse waxaa wali is hor fadhiya maleeshiyooyinkii dagaalamay waxaana deegaanka ka socda abaabul xoogan oo ay wadaan maleeshiyooyinka waxaana laga cabsi qabaa in uu dagaalku ku sii fido deegaano kale oo ay wada degaan beelaha ku dagalamaya Galbeedka degmada Kismaayo.

SomaliSwiss  Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: