Dad maati ah, waxba galabsan oo xalay lagu laayey xeryaha qaxootiga ee ku yaalla Ceelasha Biyaha

Xeryaha Qaxootiga

Halkaan ka akhri

Hal qof ayaa geeriyooday 2 kalana waa ay Dhaawacmeen ka dib markii dabley hubaysan ay xalay fiidkii  weerareen qof ka mid ahaa Maamulka xero qaxooti oo ku taala inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgoye oo lagu magacaabo xerada qaxootiga ee “Buleey” iyo 2 nin oo kaaliyaashiisa ahaa xili ay marayeen meel u dhaw xero qaxooti oo lagu magacaabo Shareeco deegaanka Ceelasha Biyaha duleedka Muqdisho. 

Hase ahaatee laba qof oo ku dhaawacmay weerarkaas ayaa la sheegay  in loola cararay Isbitaal ku yaala deegaanka lafoole, balse lama oga ilaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee loola beegsaday ragan iyo waliba cida dhabta ah ee ka danbeysa. 

Dableydii falka geysatay oo ku hubeysnaa Bastoolada ayaa la sheegayaa in ay mudo yar ka dib baxsadeen, waana markii ugu horeysay oo rag ka tirsan maamulayaasha xerooyinka qaxooti dil loo geysto. 

Si kasta ha ahaatee waxaa lala yaaban yahay sababaha loo raadsanayo dadka gacan siinayo bulshada dhibaateysan, waayo waxaa toddobayadii tegay dilal qorshaysan lagu laayay rag ka mid ahaa Hay’adaha samafalka ee ka howl-gala Soomaaliya. 

Balse sidoo kale arintani ayaa ku soo beegmaysa iyada oo saddexdii maalin ee u danbeysay ay dibad baxyo looga cabanayo falalka lagu ugaarsanayo raga u shaqeeya hay’adaha samafalka ay ka dhaceen inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgoye. 

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: