Advertisements

Wiil uu dhalay Madaxweynaha Libya Muammar Al Gheddafi oo lagu Xiray magaalada Geneva, kadib markii lagu eedeeyey inuu si qallafsan ula dhaqmay Shaqaalihiisa.

Hannibal Ghedafi

News Somali & English

Halkaan ka akhri

Hannibal Gheddafi, oo ah wiilka ugu yar ee uu dhalay Madaxweynaha dalka Libiya Muammar Gheddafi iyo Xaaskiisa ayaa Talaadadii lagu xiray magaalada Jenéve ee dalka Switzerland, maanta oo khamiis ahna la sii daayey, hase yeeshee si ay xuriyadooda u helaan waxaa laga qaaday Nus Milyan oo lacagta franka Swiss-ka ah.

Hannibal Gheddafi oo 32 Jir ah iyo xaaskiisa oo Uur 9 bil ah ayaa maalintii talaadada ahayd laga watay Hotel heerkiisa ah 5 xiddigood ah ay degganaayeen oo ku yaalla magaalada Lemanica oo Jenéve, waxaana lagu eedeeyey inu si qallafsan ula dhaqmay laba qof oo shaqaalihiisa ah .

Ladan shaqaale ayaa waxay –u kala ahaayeen gabar u dhalatay dalka Tunisia iyo nin dhallinyaro ah oo u dhashay dalka Marocco, kuwaas oo dacwad ku soo oogay Hannibal Ghedafi iyo Xaaskiisa.

Hase ahaatee goor dambe maanta khamiista ah ayaa la soo daayey wiilka Ghedafi iyo xaaskiisa, ka dib markii uu Qareenka Ina Ghedafi ee magaciisa la yiraahdo Paul Gully-Hart.u soo qaaday Xuriyada ku xiran shuruud bixiyeyna hanti gaarayso ilaa Nus Milyan Franka Swiss ah (500.000Kun Frs), lacagtaas oo la kala siinaya ninka iyo naagta dacwada ku soo oogay Wiilka Ghedafi iyo Xaaskiisa oo la kala siiyey 200.00/kun Frs oo la siiyey Ninka Tuniisiga ag iyo Gabadha u dhalatay Marocco oo la siiyey 300.000/kun Frs ah

Hannibal Ghedafi iyo Afadiisa ayaa u yimid 5ta bisha Lulyo magaalada Jenéve ee dalkan Switzerland sabab baarintaan Caafimaad ee la xiriira dhinca Uurka ay lahayd afada Ina Ghedafi, balse waxay la kulmeen arrin ay filineynin oo naxdin u keentay.

Si kasta ha ahaatee Hannibal Ghedafi ayaa horey dhowr jeer sida oo kale dacwa loogu soo oogay isagoo joogay dalka Taliyaaniga iyo Francia, hase yeeshee Wiilasha Muammar Ghedafi ayaa la sheegay in dalkan Switzerland ay ka heli karin sharafta Diblomaasiyadeed ee la siiyo Caruurta madaxda Sare ee Caalamka, sida Caruurta Boqorrada Caalamka iyo kuwa Tujaarta

SomaliSwiss Tarjume Dhicisow

SomaliSwiss@hotmail.com

Gaddafi’s son released on bail in Geneva

A son of Libyan leader Moammar Gaddafi has been freed by Swiss police after posting bail of SFr500,000 ($490,000). He had been accused of assaulting two of his staff.

Motassim Bilal Gaddafi, also known as Hannibal Gaddafi, was arrested at the five-star Hotel President Wilson on Tuesday after two of his servants accused him of hitting them, his lawyer Robert Assaël told the Swiss News Agency on Thursday.

Geneva magistrate Michel-Alexandre Graber had charged Gaddafi, 32, with inflicting physical injuries and using threats and force against the two, a Tunisian and a Moroccan, who lodged a formal complaint on Saturday.

The same charges were also been brought against Gaddafi’s nine-month pregnant wife, who had to be hospitalised during police questioning.

The servants had a medical certificate which proved their injuries, but the couple denied having inflicted them, Assaël said.

Two of Gaddafi’s bodyguards were also taken in by police for resisting arrest on Tuesday.

A hearing involving the different parties took place at the Palais de Justice courthouse at midday on Thursday.

Gaddafi and his wife travelled to Geneva on July 5 for the birth of their child.

The Swiss foreign ministry has refused to comment on the matter.

Source Swissinfo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: