Ururka Islaamiga ee Xisbullah oo Maanta Taariikh cusub u jeexay wadamada Carabta oo dhan, kadib markii ay ka dhigtay Lubnaan wadankii Carbeed ee ugu horeeyay Taariikhda oo aanay Israel ka haynin xataa hal maxbuus nolol ama geeri.

Maxaabiista ladaayay

Halkaan ka akhri

Ururka Islaamiga ee Xisbullah oo Maanta Taariikh cusub u jeexay wadamada Carabta oo dhan, kadib markii ay ka dhigtay Lubnaan wadankii Carbeed ee ugu horeeyay Taariikhda oo aanay Israel ka haynin xataa hal maxbuus nolol ama geeri oo xataa ku dhowaad 200 oo haraaga dadkii ku dhintay dagaaladii Isreal iyo Ururka Xisbullah oo isugu jiray Carab iyo Lubnaaniyiin ay la wareegtay.
 

Markii Koowaad Ee Xabsiga uu Ka soo Baxay 29 Sano Kadib Sameer Quntaar

Waxaa Maanta soo gabagaboobay Heshiis kala wareejin Maxaabiis iyo Meydad ahaa oo ay kala heysteen Israel iyo Ururka Islaamiga ee Xisbullah Lubnaan mudo fog, waxaase farxad weyn iyo guulba aheyd in Ururka Islaamiga ee Xisbullah uu helay maxaabiis nool oo uu ka mid yahay Sameer Qundhaar ninka lagu magaabo oo ay Isreal qabsatay 1979 markii uu dil u geystay dhowr qof oo Israel ah.

Sameer Qundhaar ayaa Maxkamad ay leedahay Israel waxaa ay ku xukuntay xabsi daa’in, Shan jeer oo ka dhigneyd Shan boqol iyo afartan iyo dhor Sano oo xabsi ah, marka la xisaabo qaabka shan jeer ay Maxkamadu ugu xukuntay xabsi daa’inka Shanta jeer ah.

Dhinaca kale Sameer Qundhaar waa ninka Carabta ay ugu Yeerto Camiida Asraal Arab  oo macnaheedu yahay Hormuudka Maxaabiista Carbeed ee u xiran Israel.

http://bielbienne.files.wordpress.com/2008/07/quntar3.jpg

Quntaar Markii Uu Soo Gaaray Wadankiisa

http://bielbienne.files.wordpress.com/2008/07/xornimo-2.jpg

S/Quntaar Iyo Afartii Kale Ee Xabsiga Kala Soo Baxday Soo Dhoweyntoodi

Waxaa kaloo ay Uruka Islaamiga ee Xisbullaah ay heleen Information ama Faahfaahin ku saabsaneyd halka ay ku dambeeyeen laba Diblumaasi oo Sideetameeyadii lagu waayay Xuduuda u dhaxeysa Israel iyo Lubnaan. 

Sidoo kale halka Israelna dhinaceeda waxay heshay Faahfaahin ku aadaneyd pilot ama Duuliye Yahuud ahaa oo dalad kula booday aaga dagaal ee u dhexeeyay Israel iyo Lubnaan iyo laba Askari oo katirsanaa ciidanka Yahuuda oo dagaalkii weynaa ee ay Isreal ku jabtay 2006-dii lagu qabsaday

Askartan ayaa ahayd kuwii uu ka biloday dagaalka Israel iyo Islamic Xisbullaah kuwaasoo ay israel la wareegtay haraadigoodi iyagoo meyd ah halka Xisbullah ay la wareega sida aan horey u soo sheegnay Sameer Qundhaar iyo Afar kale oo Lubnaaniyiin ah iyo 199 ka mid ah meydadkii ku dhintay dagaaladii horey u dhex maray Israel iyo Lubnaan iyo kuwo ku dhinta dagaaladii dhexe, kuwaas oo xataa badankoodu kasoo jeeday wadamada  Carabta oo ay ka mid yihiin Yeman, Tunisia, Syria, Egypt,  oo ayna sidoo kale ku jiraan qaar u dhashay Lubnaan.

Sida lasheegay Sahyuuniyiinta Israael ayaa waxaa ay ka walwalsan tahay sida uu noqon doono Jalcaad Shaalidh oo ah Askari nool oo Yuhuudi ah oo ay haysato Ururka Xamaas ee Falastiin sida uu noqon doono badalaadiisa marka ay ogolaadaan is weydaarsi Maxaabiis maadaama uu jabka ku bilowday.

SomaliSwiss Buqaqable

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: