Sheikh Aadan Madoobe oo dowladda KMG ah ka codsaday in Ciidamada cusub ee lagu soo taba baray Ethiopia la siiyo wixii ay ku noolaan lahaayeen lana dayicin.

Sheikh Aadan Madoobe

Halkaan ka akhri

Gudoomiyaha Baarlamanka KMG Soomaaliya Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa waxa uu sheegay in dowlada KMG ay horay u laayacday ciidamo iyadu ay leedahay, sidaa awgeedna ay tahay in aan loo baahnayn in dowlada KMG Soomaaliya ay haatan mar kale ay laayacdo ciidamadeeda oo haatan ku soo tababartay wadanka Ethiopia kuwaasi oo haatan dalka la keenay.
Hase ahaatee Gudoomiyihu wuxuu dowladda ugu baaqay in ay meel saarto mushaaradka ciidamadaasi iyo wixii ay ku noolaan lahaayeen,wuxuuna intaa ku daray in aysan dowlad shaqayn Karin hadii ayan ciidan lahayn.

Balse Mudane Sheikh Aadan madoobe wuxuu ku dhiiri galinayaa dowladda Nuur Cadde in ay meel saarto qalabka iyo mushaaraadka ciidamadaan cusub ee tababarka la soo siiyay islamarkaana qarshka fara badana uu ku baxay in ay ku dadaasho in ay helaan xuquuqdooda Ciidamadeed si ay u fuliyaan waajibaadka saran”ayuu yari gudoomiyaha baarlamanka Sheikh Aadan Madoobe.

Si kasta ha ahaatee waxaa Dowlada KMG Soomaaliya ay ciidamadeedu u là’dahay inay siiso wixii ay ku noolaan lahaayeen sida mushaarka, taasi oo sababi karto in haddii ciidamadaan cusub la keeno gudaha magaalada Muqdisho ay abuurmi doonto Jahawareer iyo falal xun oo ka dhaca magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss Baydhabo
SomaliSwiss@hotmail.com
%d bloggers like this: