Advertisements

Ibraahim Maxamed Xassan (Liiqliiqato) Taliyihii Nabad Sugidda dowladda KMG ugu qaabilsanaa degmada Diinsoor oo is casilay.

Degmada Diinsoor

Halkaan ka akhri

Taliyahii nabad sugidda ee degmada Diinsoor ayaa maanta ku dhawaaqay in uu iska casilay jagadii uu uga  hayay dawladda KMG ah ee la shaqaysa gumaysiga Ethiopia degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Taliyaha iscasilay ayaa waxaa lagu magacaabaa Ibraahim Maxamed Xassan (Liiqliiqato) wuxuuna isagoo u waramaya Idaacadda Shabelle uu ka sheegay in maanta laga bilaabo uu isaga tagay shaqadii uu u hayay dawladda KMG ah uuna faraha kala baxay howlihii uu ku dhex jiray. 

Mas’uulkan ayaan si cad usheegin sababta keentay iscasiladiisa, balse warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in ay Taliyuhu cabsi ka soo wajahday dhinaca amaankiisa, taas oo ay horey isaga casileen cabsi darteed xubno fara badan oo ka tirsanaa dawladda KMG ah ee la shaqaysa gumaysiga Ethiopia. 

Maaha markii ugu horeysay ee uu is casilo Sarkaal ka tirsan dawladda KMG ah waxaana horey isu casilay xubno fara badan oo ka mid ahaa Saraakiisha ciidamada dowladda KMG ah ee gobolka Baay, kuwaas oo uu ka mid ahaa Taliyihii Booliska gobolka Baay iyo Taliyihii xerada Manaas ee dugsi tababar u ahaa ciidamada dawladda KMG ah ee la shaqaysa gumaysiga Ethiopia.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: